Daawo: Taariiikhdii Fanka (AHU) Fanaanadii Hobolada Waaberi Sahra Axmed Jaamac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Taariiikhdii Fanka (AHU) Fanaanadii Hobolada Waaberi Sahra Axmed Jaamac
April 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Alla ha u naxariisto Fanaanadda caanka ah ee Hoboladii Waaberi Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay nusqarni kana mid ahayd foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed oo maalmihii u dambaysay xanuunsanaysay ayaa ku geeriyootay cisbitaalka Gargaar ee magaaladda.

 

Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliyeed,isla markaana heeso la wadaagtay ama la qaatay inta badan ragga fanaaniinta ah ee waaweyn, waxaanay ahayd qof cod tolmoon oo sida loo hela yar tahay.

 

https://youtu.be/E5AcVFva0cQ

 

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad ku beegan 1956-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Togdheer, waxaana fanka ku soo biirtay hilaadii 1969-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd 13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.

 

Sahra Axmed Jaamac riwaayadihii ugu horeeyey ee ay ka qaybqaatay xidigtana ku noqotay waxa ka mid ahaa iwaayad uu curinteeda lahaa Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed) oo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ka dhigeen. Waxa kale oo ka mid ah riwaayadaha ay Agtarada ka noqotay riwaayadii ‘Garashaa Garab Wayday oo uu uu sameeyey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

 

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac heesteedii ugu horeysay waxay ahayd ee ay masrax la soo fuushay “MA II BAAQDAY” oo ay markii danbe wada qaadeen Maxmed Aadan Dacar iyo Hibo nuura.

 

Sahra Axmed waxa ay ku caanbaxday oo dad badani u yaqaaneen magaca ah quruxda fanka soomaaliyeed, iyadoo ahayd fanaanadii ugu da’da yarayd ee ku biirta waaberi hadana waxa ay ahayd xidig ka dhex ifaysa Waaberi tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia. Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay riwaayado badan Sahra ay ku dib ugu dhigtay dalka Jabuuti, iyadoo markii danbana dhinacaa iyo qurbaha u kicitintay, halkaasi oo in muddo ah ay ku noolayd.

 

Sahra Axmed Jaamac heesaha badan ee ay qaado kuwo ugu saameynta badan ama loogu jecel yahay waxa kamid ah kuwan hoos ku qoran:

 

. Suul dhabaale Sahro Axmed vs Cabdiraxmaan dheere, Qooraansi eegmadu. Sahro Axmed iyo Axmed Mooge, Goormeynu darisnaa oo ay wada qaadaab Sahro Axmed iyo Muuse ismaaciil Qalinle, Wadaryahay oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra Axmed iyo Cabdi Cali Bacalwaan, heesta Beerqaad oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Axmed Dhabarlow, heesta Nabsi oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yuusuf Cabdi, heesta Faraskaagii laga badi oo ay wadaagaan Sahra Axmed iyo Bacalwaan, heesta kale ee Haatuf oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Xasan Aadan Samatar, heesta kale ee Shini oo ay ku wada luuqeeyaan Sahra iyo Axmed Mooge. Barasho oo ay wada qaadaan Sahra iyo Bacal waan, gacantaada midig Sahra iyo Aadan Hure, Ima Baran oo ay wada qaadaan Sahra Axmed iyo Maxamed Yusuf.

 

Sahra Axmed Jaamac oo ahayd waayeelka Fanka iyo hiraalka fanka Soomaaliyeed ee lagu daydo, waxay iska kaga tagtay 11 Caruur ah, waxaanay ka mid tahay fanaaniinta ugu caruurta badan.

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS