DAAWO; Dadwaynaha Ku Dhaqan Agagaarka Iskuulka Ilays Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Dhul Ay Degan Yihiin Oo Laga Dhisayo Qasri Madaxtooyo Iyo Ciidamo la Dul Dhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Dadwaynaha Ku Dhaqan Agagaarka Iskuulka Ilays Oo Cabasho Xoogan ka Muujiyay Dhul Ay Degan Yihiin Oo Laga Dhisayo Qasri Madaxtooyo Iyo Ciidamo la Dul Dhigay
April 5, 2018 - Written by Reporter:

HARGAYSA (W,N):- Dadwaynaha Degan Agagaarka Iskuulka ilays Secondary ee galbeedka caasimada hargaysa Ee Degmada Ibraahim Koodbuur ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Cagafyo iyo Cidanka saaka aroortii hore ku waabariistay dhulka ay degan yihiin oo la sheegay in lagu wado in laga dhiso qasri Madaxtooyo cusub oo ay Somaliland yeelato.

 

Qaar kamida Dadwaynahan leh dhismayaal guri oo goobtan ku yaal iyo dhulbanaan ayaa madaxwaynaha Somaliland baaq u diray iyagoo sheegay in dhulkan ay degan yihiin aanu ahayn dhul dan guuda balse aanay garanayn waxa keenay in guryahoogii iyo dhulkii ay lahaayeen uu cagaf iyo ciidan dul fadhiistaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaaalka warka

COMMENTS
LINKS