Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Ay Ka Baxeen Xasan Axmed Cige (Xasan Duse) Iyo Cabdirisaaq Cismaan Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Ay Ka Baxeen Xasan Axmed Cige (Xasan Duse) Iyo Cabdirisaaq Cismaan Cabdi
April 6, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Cismaan Cabdi oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ganacsade Cismaan Cabdi Lugay oo ah aabaha dhalay Marxuumka oo u geeriyooday shil gaadhi ku jiidhay UAE.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Sidoo kale Madaxwayne Muuse Biixi ayaa tacsi u diray Marxuum Xasan Axmed Cige (Xasan Duse)

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Axmed Cige oo loo yiqiinay Xasan Duse oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 05/04/2018, magaalada Hargeysa.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa dadka magaca ku leh guud ahaan dhulka Soomaalidu degto siiba Somaliland, waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey halgamaa ka baxay qaranka Somaliland, laguna xasuusto wakhtigii 1970kii ilaa dabayaaqadii sideetamaadkii oo uu ahaa xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, isagoo door weyn ku lahaa qaabaynta iyo naqshada xaafadaha Caasimada Hargeysa, bixiyeyna magaca xaafadda jig-jiga yar oo wakhtigaasi la dejiyey dad ka soo barakacay xuduudaha Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kalena waxa uu door muhiima ka ciyaaray dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS