Ma Kaga Dayan Doonaa Madaxwayne Muuse Biixi, Tanaasulkii Madaxwayne Rayaale Kula Dhaqmi Jiray Xisbiyada Mucaaradka ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Kaga Dayan Doonaa Madaxwayne Muuse Biixi, Tanaasulkii Madaxwayne Rayaale Kula Dhaqmi Jiray Xisbiyada Mucaaradka ?
April 6, 2018 - Written by Editor:

Waxay Taariikhdu Ka Marag Kacaysaa In Madaxwayne Rayaale Duufaanadii Mucaaradka Ahaa Ee Xisbiga Kulmiye Kaga Soo Gudbay Dulqaad Iyo U Tanaasul!.

HARGAYSA(W,N) Waa Hubaal in geedi socodka Dimuquraadiyada S/land soo maray marxalado kala Duwan,waxayna Taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Rayaale duufaanadii Mucaaradka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ku kicin jiray Xukuumadii Xisbiga Udub uu kaga soo gudbay Dulqaad iyo u Tanaasul badan uu kula macaamili jiray Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid,iyadoo Shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net Iidin soo gudbin Doonta maalmo Maalmaha ka tilmaaman Oo Madaxwayne Daahir Rayaale u Tanaasulay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid,waxaana xusid mudan in Madaxwayne Rayaale Maalin ku Beegan 9/6/2009 u tanaasulay Xisbiyada Mucaaradka ee Kulmiye iyo Ucid,isagoo ka ogolaaday dalabkii Xisbiyada Mucaaradka ee ahaa in Doorashada Madaxtooyada laga soo Hormariyo Doorashada Golayaasha Deegaanka.

daahir riyaale iyo siilaanyo

Heshiishkii Sideeda Qodob ka koobnaa ee Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka kala Sexeexdeen ayaa u dhignaa sidan:-

1: In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.

2: In Diiwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

3: In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaangelinta kadib.

4: In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

5: In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

6: Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada,waxa xaaladdaas wadajir uga go”aan qaadanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran,iyadoo Golaha Guurtidu ku  Ansixin doono wakhtiga ay isla gartaan oo aan waxba lagu darin.

7: In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan,isku xidhnaan iyo wada tashi joogto ah.

8: In Guddi Farsamo oo Saddexda Xisbi Qaran ka noqoto guddi Joogto ah,una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda Madaxwayne Rayaale iyo Xisbiyada wada shaqeyntood.

Wakiilada Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka waxaa u kala saxeexay Heshiiskii Sideeda Qodob:-

1: Xisbigii Taladda Hayey ee Udub waxaa u Sexeexay,Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee S/land Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

2: Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabe.

3 : Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye waxaa u sexeexay Gudoomiye ku xigeedka kowaad Muuse Biixi Cabdi.

4: Gudida Doorashooyinka,waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md Maxamed Isamaaciil Kaba-Wayne.

Mar kale,waxaa Bulshada S/land la soo daristay Cabsi badan oo Ay ka qaadeen in Khilaafka iyo Muranka Siyaasadeed ee ka Taagnaa qabsoomida Doorashadii Labaad ee Madaxtooyada ay ku keento in ay faraha ka baxdo Nabada S/land ku soo Caanno Maashay.

Mar Labaad,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Rayaale Tanaasul u sameeyay Xisbiyada Mucaaridka kuna soo gunaanaday murann iyo Khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeyay Xisbiga Mucaaradka ahaa ee Kulmiye iyo Ucid iyo Xukuumadii Udub ee Rayaale Hogaaminayay,waxaana xusid Mudan in ay qalinka ku duugeen Maalin ku beegan 27/9/2009 Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye,Ucid iyo Xukuumadii Udub ee Madaxwayne Rayaale hogaaminayay Heshiis Lix Qodob ka koobnaa,iyadoo Dawlada Itoobiya iyo Beesha Caalamku Goob joog ka Ahaayeen,waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa  in Madaxwayne Rayaale u tanaasulay Xisbiyada .

laba madaxwayne

Heshiiskii Lixda Qodob Ka Koobnaa Ayaa U Dhignaa Sidann:-

  1. In Koomishanka Doorashooyinka la bedelo.
  2. In Seerfarka dib loogu noqdo,oo ay khubaro imanaysaa dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.
  3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso,waxa ka wada tashanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Khubarada imanaysa,waana go’aan ka fog Siyaasadda oo ah go’aan farsamo.
  4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo.
  5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo Diiwaangelin.
  6. In Saddexda Xisbi soo saaraan go’aan wada jir ah,marka lagu heshiiyo qodoban, si loo amba-qaado hawshii doorashada.

Iyadoo Heshiiskaa Lixda Qodob ka koobnaa lagu soo Afjaray murankii Siyaasadeed ee dalka ka taagnaa,waxaase iswaydiin mudan.Ma Kaga Dayan Doonaa Madaxwayne Muuse Biixi Tanaasulkuu Madaxwayne Rayaale Kula Dhaqmi Jiray Xisbiyada Mucaaradka ?

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS