Kalsooni Kala Noqoshada Komishanka Ee Xisbiga Wadani Iyo Go”aanka Madaxwayne Muuse Biixi Waa Dabar Labaad Oo Ku Xidhmay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kalsooni Kala Noqoshada Komishanka Ee Xisbiga Wadani Iyo Go”aanka Madaxwayne Muuse Biixi Waa Dabar Labaad Oo Ku Xidhmay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada!!
April 6, 2018 - Written by Editor:

Saamayn Nooceeya Ayay Ku Yeelanayaan Go”aanada Iska Soo Horjeeda Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida Ee Hore U Muddo Dhaaftay ?

HARGAYSA(W,N) Tann iyo Maalintii Doorashadii u Horaysay ee Golaha Wakiiladu Dalka S/land ka qabsoontay oo ku beegan 29/9/2005 Muddadii Sharciga ahayd ee la doortayna  Dhamaatay maalin ku beegan 29/10/2010  Waxay taariikhdu ka Marag kacaysa in muddo kordhinta Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen oo Golaha Guurtidu Muddo kordhintii u horaysay u sameeyay Golaha Wakiilada Isagoo Madaxwayne Siiraanyo Talada dalka haya 38 Maalmood Oo kaliya,waxaanay ku eedeeyaan Muwaadiniinta u ololeeya Geedi socodka Dimuquraadiyadda S/land in Madaxwayne Siiraanyo qorshaha ugu jirin in uu dalka ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.Sidoo kale,Muwaadiniinta u ololeeya geedi socodka Dimuquraadiyadda S/land waxay warwar hor leh ka muujiyeen in Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi in uu qaaday jidkii Madaxwayne Siiraanyo oo aanu diyaar u ahayn in uu dalka S/land ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida,ugu horaynse aynu dull joogsano Afar muddo kordhinood oo Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiilada.

CIRO IYO MUUSE

1: 7/9/2010 Golaha Guurtidu waxuu muddo kordhintii u Horaysay oo Laba Sanno iyo Sideed bilood ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada .

2: 10/4/2013 Golaha Guurtidu waxuu mudo kordhin Laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

3: 27/5/2015 Golaha Guurtidu waxay Muddo Sanad iyo Todoba Bilooda ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

4: 6/3/2017 Golaha Guurtidu waxay Muddo kordhin Laba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada.

Dadka Arimaha geedi socodka Dimuquraadiyadda iyo Doorashooyinka S/land u ololeeya,waxay aaminsan yihiin in Dabarka u wayn ee ku xidhnaa qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada uu ahaa Saami qaybsiga iyo Madaxwayne Siiraanyo Oo Qorshaha  ayna ugu jirin in uu dalka ka qabto Doorashada Golaha Wakiilada,eedaa culus waxaa marag cad looga dhigayaa In aanu Madaxwayne Siiraanyo adeegsan Awooda sharciga iyo Dastuurka dalku siiyay ee ku go”aan ka gaadhista Saami qaybsiga Golaha Wakiilada waxayna taasi cadaynaysaa in aanu gudan Madaxwayne Siiraanyo Waajibkii saarnaa sidii  Madaxwayne Rayaale uu ugutay  waajibkiisii Dastuuriga ahaa go”aana ka gaadhay Saami qaybsiga Golaha Wakiilada taasoo u suurto galisay in uu dalka S/land ka qabto Doorashadii Golaha Wakiilada, dabadiina lagu dhici waayay Ilaa Hadana Taagan .

Mar kale,waxaa ayaan darro ah in dabarkii Saami qaybsiga ee ku xidhnaa Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo Labadii Madaxwayne ee Xillka la kala wareegay aanay Xall u helin uu ku soo kordhay dabar kale oo ah in aanu Dalka S/land ka jirin Komishan Doorasho oo Kalsoonida Sadexda Xisbi Qaran Haysta ka dib markuu Xisbiga Wadani u gudbiyay Madaxwayne Muuse Biixi qoraal uu kalsoonida kagala noqday Komishanka Doorashooyinka S/land .

Isku soo wada duuboo,Kalsooni kala noqoshada  Komishanka Doorashooyinka uu kala noqday Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Waxay khilaafka iyo muranka siyaasadeed oo hor leh ka dhex Abuurtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Ahna Madaxwaynaha S/land Muuse Biixi Cabdi ayaa dhabada u xaadhaya in ay meesha ka baxdo rajadii laga qabay in Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guuritdu dalka ka qabsoonto ,waxaanay Bulshada S/land qarka u saaran tahay in ay quus ka qaadaan geedi socodkii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka .

Waxaase laga war sugi doonaa Hadba talaabada waayo Aragnimo ee uu layimaado Madaxwaynaha Hada talada dalka hayaa kuna Muujiyo Isku soo dhawaanshaha xukuumada iyo Xisbiga kalsoonida kal noqday komishanka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS