Falanqaynta Miisaaniyadda 2018; Kharashaadka Madaxtooyada Iyo W, Maaliyadda Oo Ka Badan Dhamaan Kharashka Loo Qoodeeyay Wasaaradaha Horumarka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Falanqaynta Miisaaniyadda 2018; Kharashaadka Madaxtooyada Iyo W, Maaliyadda Oo Ka Badan Dhamaan Kharashka Loo Qoodeeyay Wasaaradaha Horumarka.
April 8, 2018 - Written by Editor:

Halkay Kaga Jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Kharashaadka Mashaariicda Dawladda Ee Lagu Sheegay 34.5%? Xogo dheeraada

QORMADII AFRAAD

HARGAYSA(W,N) Waa Qormadii Afraad Ee Aynu ku falanqayno Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 oo ah mid ka Marag kacaya In uu ka Muuqdaan Dhaliilo Badan, ,mar kale,waxaad Ogaanaysaa in Bulshada S/land la marin Habaabinayo oo waxa loo sheegayo iyo xaqiiqda ku qoran Miisaaniyaddu ay yihiin kuwo aad u kala fog.iyadoo Odoroska Miisaaniyadda 2018 marag cad looga dhigi karo heerka Aqooneed iyo Waayo Aragnimo Ee Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi .

maaliyada iyo madaxtooyada

Ugu horayn,sida ku cad Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waxay Noocyada Kharashaadka ku jiraa u qaybsamayaan 4 qaybood oo kala ah sidann:-

Kharashka Shaqaalaha                                   662,029,029,120                   39 %

Kharashka Hawl-socodsiinta                          354,285,963,297                   21 %

Mashaariicda Dawladda                               581,470,458,373                   34.5 %

Biilasha Taagan                                               89,470,458,373                     5.3 %

Wadarta Guud Ee Miisaaniyadda 2018  Tahay  1.678,000,000,000    100 %

Dhanka kale,Kharashaadka Madaxtooyada ugu jira Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 waa kharash dhann 120,671,383,042 (Boqoll iyo Labaatann Billyan Lix Boqol iyo Kaw iyo Todobaatann Millyann Sadex boqol iyo sadex sideetann kunn,Sideed boqol iyo shann iyo sideetann Shiling S/land).Halka Wasaaradda Maaliyadda ay ugu jiraan kharashka dhann Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 232,645,589,152  (Laba boqol iyo Sodon iyo Laba Billyann Lix Boqol iyo Afartann Shann Milyann Shann boqol Sideetann iyo sagaal kunn boqol konton iyo laba Shiling S/land) iyadoo Wadarta guud ee labada Wasaaradood ugu jira Miisaaniyadda 2018 ay dhann tahay.353,316,972,194  (Sadex boqol Konton iyo Sadex Billyann Sadex boqol Lix iyo tobann Millyann Sagaal boqoll iyo Laba iyo Todobaatann kunn Boqol sagaashann iyo Afar Shiling S/land) oo u dhiganta kharashka hawl socod siinta ee Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 ka noqonaya 21 % .

Waxaana Xusid mudan,in labada Waaaradood kharashaadka ugu jira Miisaaniyadda 2018 uu u dhigmo Kharashka Hawl-socodsiinta guud ahaan Wasaaradaha dalka,Ciidamada kala duwan iyo dhamaan laamaha dawlada S/land 354,285,963,297. isla markaana uu ka badan yahay Kharashaadka ugu jira Miisaaniyadda 2018 Sideed Wasaaradood oo Horumarinta Bulshada Qaranka S/land ka sheqeeya.

Sidoo kale,Waxay Warbixintani Daboolka ka qaaday in Mashaariicda dawlada 2018 ku jira ay yihiin kuwo af-gobaadsi ah sida ku cad miisaaniyad Sannadeedka 2918 waana sidann :-

 

1: Kharashaadka Wasaaradda Beeraha loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada iyo Horomarinta Wax soosaarka Beeraha waa sidann :-

Mashruuca Beeraha Wajaale,Beer iyo Oodwayne                     3,000,000,000

Kharashka wacyi galinta Beeralayda                                             120,000,000

Kharashka Mashruuca Saadaasha Hawada                                  500,000,000

Kharashka la dagaalanka Ayaxa                                                     100,000,000

Mashruuca Tijaabada Beerista Timirta                                         117,000,000

Kharashka Iibsiga Gaadiidka Cagafyo                                           1,000,000,000

Wadarta guud ee  Mashaariicda dawlada iyo Horumarinta  4,837,000,000

Mar kale,waxaa xusid mudan in Kharashaadka la taliyayaasha ugu qoran Wasiirka Wasaaradda Beeraha ugu jirta Miisaaniyadda Sannadka 2018 waxuu dhann yahay 3,184,800,000 Sadex Billyann boqol iyo Sideetann iyo afar Milyann iyo Sideed boqol oo kunn .

2: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada iyo Horomarinta ee ka faa”iidaysiga Xoolaha iyo Kaluunka .

Kharashka baadhista iyo Daraasaadka Khayraadka Badda                    400,000,000

Mashruuca Tijaabada Taranka Xoolaha                                                      3,000,000,000

Mashruuca qool caday iyo Aroori                                                                 624,000,000

Dhismaha Dakada Kaluumaysiga                                                                  1,500,000,000

Kharashka Iibsiga Calafka Xoolaha                                                                200,000,000

Mashruuca daawaynta Xoolaha                                                                     3,671,844,000

Dhismaha shaybaadhka xoolaha                                                                   900,000,000

Kaalmada Jaamacadda Badda                                                                        700,000,000

Wadarta guud ee Mashaariicda ugu jirta Miisaaniyadda 2018 Wasaaradda X Xoolaha iyo Kaluumaysiga ayaa ah sidann. 8,195000,000

3: Wasaaradda Biyaha waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawlada ee Horomarinta Biyaha sidann:-

Masruuca biyo joojinta dooxyada                                      1,000,000,000

Kharashka Daryeelka Ceelasha                                           2,300,000,000

Machadka Culuumta Biyaha                                                118,000,000

Dhismaha xafiir Dhaam                                                        4,500,000,000

Dhismaha hantida kale ee Qodista Riigaga                      4,000,000,000

Wadarta guud ee Mashaariicda ku jirta Wasaaradda Biyaha ayaa ah 11,918,000,000

4 : Wasaaradda Waxbarashada waxaa loo qoondeeyay Mashaariicda dawladu ku Horomarinayso ama ku tayaynayso Waxbarashada dalka S/land waa sidann :-

Dhismaha dugsiga tabobarka Macalimiinta                   800,000,000

Dhismaha dugsiga Halldoor                                              540,000,000

Dhismaha Dugsiga ina qarbooshe ee Qoton dabo        250,000,000

Wadarta guud ee Mashaariicda ku jirta Wasaaradda Waxbarashada waa 1,590,000,000

Wasaaradda Caafimaadka loo qoondeeyay Mashaariicda dawladu ku Horomarinayso Caafimaadka Bulshada S/land waa sidann :-

Kharashka Cusbitaalka hargaysa                                     1,290,000,000

Kharashka Cusbitaalka Magaalada Sheekh                   2.700,000,000

Kharashka Cusbitaalka Sheekh                                        134,000,000

Mishiinka kalyaha sifeeya iyo dawadiisa                      1,020,000,000

Iibsiga Qalabka Cusbitaalka Burco                                  1,000,000,000

Iibsiga Qalabka Cusbitaalka Hargaysa                            1,000,000,000

Iibsiga Qalabka Shaybaadhka                                           4,800,000,000

Dhismaha Cusbitalka Umulaha Hargaysa                      1,500,000,000

Wadarta guud ee Mashaariicda dawlada ee ugu jirta horomarinta Caafimaadka Miisaaniyaddu 2018 waa sidan :- 13,444,000,000.

Ugu dambayn,markay Wadarta guud ee Mashaariicda dawlada ee ugu jirta Miisaaniyadda 2018 ay noqonayso 39,984,000,000 . Waxaase iswaydiin mudan,Halkay kaga jiraan Odoroska Miisaaniyadd Sannadeedka 2018 Kharashaadka Mashaariicda Dawladda ee lagu sheegay 34.5 % ?

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

LASOCO

COMMENTS
LINKS