TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
April 8, 2018 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda waxbarashada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee maamulihii dugsiga sare ee degmada gar-adag ee gobolka Sanaag Marxuum Muuse Siciid Ayaanle oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 08/04/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi xoghaya golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS