Akhriso Dhibaatada Iyo Hadimooyinka Uu Shacbiga Magaalada Wajaale Iyo Xukumadaba Uu Ku Hayo Gudoomiye Ku xigeenku!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriso Dhibaatada Iyo Hadimooyinka Uu Shacbiga Magaalada Wajaale Iyo Xukumadaba Uu Ku Hayo Gudoomiye Ku xigeenku!!
April 8, 2018 - Written by Editor:

Maah Maah somaaliyeed baa Tidhaahda Waagii Baryaaba waayo gGara leh waxan uga socdaa mudadii uu joogay gudoomiye xigeenka wajaale mursal nuux cismaan degmada wajaale waxa magaalada ka dhacay dhibaatooyin faro badan oo u badan muranka dhulka oo uu sobobteeda lahaa gudoomiye xigeenka wajaale maadama uu dowlada hoose ee wajaale uu isagu masuul uga yahay dhulka.

Arintaasi oo xataa keentay in dad masaakiin ah oo muwadiniin ah at naftooda Ku waayeen qaarkood Halka qaarna dhaawacii soo gaadhay ilaa hada ay u jiifaan.

magafaha dhulka wajaale

Hadaba qoraalkani oo noqon doona mid taxane ah ayaa waxan qodob u dul joogsan doonaa dhamaan dhacdooyinkii muranka dhulka ee ka dhacay wajaale iyo kaalinta uu kaga jiray arimahaasi iyo sida uu u maamuley waxan kale oo akhriste qoraalkani kuugu soo bandhigi doonaa kaalinta uu gudoomiye xigeenka wajaale uu kulahaa khilaafkii maamul ee ragaadiyay magaalada Tog  wajaale.

Hadii aan Ku horayno dhibatooyinkii ugu danbeeyay ee uu kula kacay muwadiniinta reer wajaale waxay dhacday mudadani uu socday master blan ka wajaale Ama qorshe magaaleedka loo samaynayo wajaale taasi oo uu ka horyimid islamarkaana uu faro galin qarsoon Ku sameeyay.

Waxana dhacday in cagafta howlaha guud oo wadooyinkii xidhmay bananaysa oo dadbadana dhulkoodii iyo guryahoodii jiidhay kuna howlan xafadaha bariga wajaale inuu gudoomiye xigeenka wajaale meel wado ah uu ka iibiyay taasi oo Ku taalay xaafadaha galbeedka wajaale.

LASOCO

QALINKII ;WARIYE MAXAMED WADIIN;

MAGAALADA WAJAALE

COMMENTS
LINKS