Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe
April 9, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2018, magaalada Hargeysa.

 

tacsi

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, kaalin muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala dambeeyey ee dalka loo soo maray, doorna kulahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii bulshada kuwada dhaqan Somaliland, isagoo wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Samir iyo iimaan saadiqana ka siiyo , qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS