Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo shacbiga Iyo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Saddex Marxuum Oo Ka Baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo shacbiga Iyo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Saddex Marxuum Oo Ka Baxay.
April 9, 2018 - Written by Editor:

Siyaasi Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo tacsi tiraanyo leh u diray qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta, ubadka iyo dhammaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen marxuumiinta kala ah:-

  1. Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta (Shalay) laguna aasi doono beri (saaka) magaalada Hargeysa, waxa uu si gaara uga tacsiyadaynaayo ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku.
  2. Marxuum Cali Aadan Xasan Naaleeye oo isna ku geeriyooday Hargeysa laguna aasay, oo uu si gaara uga tacsiyadaynaayo Suldaan Bulbul Cabdi Muuse Cigaal oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.
  3. Marxuum Xasan Axmed Cige ( Xasan Duse) oo isna ku geeriyooday habeenimadii jimcihii hargeysa laguna aasay oo uu si gaara uga tacsiyadaynaayo shacbiga Somaliland iyo Eheladii uu ka baxay.

Waxaanu Siyaasi Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) saddexdaa marxuum Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhamaan shacbiga Somaliland ee ay ka bexeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

Aaamin……Aaamin…..Aaamin

COMMENTS
LINKS