WAJAALE NEWS

Muuqaalka Dawladda Somaliland Ee World wide Web (fool xumo Qaran) Qalinkii; Amb Ali Adam Awale.

Sidaynu wada ognahay ama innaguba samayno, qofka Ajnabiga ah ee raba inu Somaliland wax ka ogaadaa waxa uu marka u horraysa geleyaa Google.com, waxanu raadinayaa xog Somaliland ku saabsan, meelaha xogta saxa ah laga raadsado waxa kow ka ah Website-ka dawladda oo laga filayo xogaha saxda ah. Waa waxa maanta dunidu u noqotay mid salli ku wada fadhida oon waxba u kala qarsoonayn. Haddaba muwaaddin ila arag xogta uu heli karo qof shisheeya ah oo raba inu wax ka ogaado dalkeenna Somaliland iyo dawladdiisa.

http://somalilandgov.com waa barta qaranka Somaliland ee Madaxtooyada, waa halka ay tahay xog tifatiran, saxan oo tii u dambaysay ah inay ciddii dalka danaynaysaa ka hesho. Nasiib darro marka aad booqato bartaa xogta aad halkaa ugu tegeysaa waa mid ciddii dalkan horumar la jeceli ka naxayso, waayo xogta ku jirta badideedu waa qalad. Waxa u dambaysay xog la geliyo (War) 15 August 2017, warqad Madaxweyne Silanyo ku hambalyeynayo Madaxweynaha Kenya doorashadiisii.

Marka aad dhex mushaaxdo ee aad gasho madaxyada qaybihooda kala duwan waxa kuu soo baxaya xogo wada qaldan. Tusaale ahaan marka aad gasho Wasaaradaha (http://somalilandgov.com/govt-ministries/) waxa kuu soo baxaya 26 Wasaaradood oo ay ugu horreyso wasaaradda Madaxtooyadu! Cajiib, ma odhan karraa warba looma hayo? Allaa innaga og balse halkaa masuuliyad dayacan baa ka muuqata.

Sidii Madaxweyne Muuse Biixi xilka hoggaaminta dalka ula wareegay wax muuqata in hal mar uun wax la geliyey mareegta, markaas oo laga saaray sawirkii iyo CV-gii Madaxweyne Silanyo laguna beddeley kuwii Madaxweyne Muuse.

Foolxumada halkaa taal way ka badan tahay intan aan sheegay oo adaa yaabiye muwaaddin booqo oo ka bogo qaybaha kala duwan ee mareegtii qaranka ugu mudnayd oo majara habaabinaysa beesha Caalamka dawlado iyo shicibba.

Waxa xusid mudan inay dhibtani jirtay 7dii sano ee u dambaysay, oo aan aniga oo og muhimmadda ay qaranka u leedahay in war saxa la geliyo mareegtani tobaneeyo jeer kala hadlay masuuliintii madaxtooyada ee xilligaas si loo saxo qaladkan, hase yeeshee aan dheg jalaq loo siin soojeedintaydaa. Waxanse fileyey inay dawladdan cusubi ku baraarugi doonto qalloocaa weyn ee ku jira sawirka qaranka.

Qarankani wuxu u baahan yahay inu dunida tuso dedaalkii 27ka sano dadkeennu ku dhisay dalka oo qurx san, saxan, tifatiran isla markaan dawladnimo ka muuqato. Waana in mar walba lagu daro wax kasta oo cusub oo dalka ku soo kordha (Frequently updated) sida dawladaha.

Waxan rejeynayaa in qoraalkan loo arki doono toosin togan isla markaana la saxo qaladkan mugga weyn.

 

AMB Ali Adam Awale

 

Exit mobile version