Khaladaadka Ku Jira Miisaaniyada 2018 Somaliland Iyo Baahiyaha Aasaasiga ah Oo Ay Ka Kharash Bateen Waxyaabo Aan Muhiim Ahayn! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khaladaadka Ku Jira Miisaaniyada 2018 Somaliland Iyo Baahiyaha Aasaasiga ah Oo Ay Ka Kharash Bateen Waxyaabo Aan Muhiim Ahayn!
April 11, 2018 - Written by Editor:

Miisaaniyada 2018 ee ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen ayaa ka kooban lacag dhan hal tiriliyan, lix boqol iyo sideetan iyo todoba bilyan oo Shilinka Soomaliland ah (1,687,000,000,000 ) taas oo u dhigan Dollor boqol iyo lixiyo sideetan milyan iyo todoba boqol oo kun oo Dollar (168,700,000) waa marka la qaato xadiga sarifka suuqa ee toban kun oo shilin ah ( $1 = 10,000 SLSH). Miisaaniyad cusubi waxa ay ka badan tahay Miisaaniyadii Sanadkii hore 9%.

Wasaaradaha oo dhan 23 ayaa loo qoondeeyay kharashka ugu badan, waa 788,543,667,5750 SLSH oo u dhiganta ($78,854,367), waxa loo kordhiyay Miisaaniyada 63.47% marka loo eego Miisaaniyadii sanadkii hore, Wasaaradaha ugu badani waa W. Maaliyada iyo W. Waxbarashada halka Wasaarada H. Maalgashigu ay tahay ta ugu miisaaniyada yar. Sidoo kale 20ka laamood ee Dawladda ee kala ah, Hay’adaha Madaxa banaan, Komishanada iyo Gudidiyada kala duwan aay iyna leh Saami dhan 135,063,336,560 SLSH oo u dhiganta ($13,506,334), waxa loo kordhiyay xadi dhan 29.68% marka loo eego Miisaaniyadii hore. Isugayntoodu Labadaasi waa lacag ka badan 92 milayn oo dollar, waxa ay qaataan boqolkiiba 55% miisaaniyada dalka.

Dhanka Kharashka Wasaaradahaas iyo laamahaas kala duwan boqolkiiba 40% miisaaniyadoodu waa Mushahar iyo Gunooyinka Shaqaalaha ah, halka 26% ay yihiin Kharashka Isticmaalka adeegyada Hawlaha lagu qabanayo, Sidoo kale boqolkiiba 3% kaliya ayaa loo qoondeeyay Dhismayaasha cusub, sida qodista Dhismaha dhamamka iyo Hawlaha Qodista Riiggaga, Dhismayaasha Cusbitaalo, Dhisida Dekada Kaluumaysi, Dhismaha Shaybaadhka Xoolaha iyo Qaar kale.

Dhanka Ciidamada oo iyana loo qoondeeyay boqolkiiba 30% miisaaniyada Guud oo ah in ka badan Shan boqol iyo hal bilyan oo Shilin JSL ah (501,765,984,336) una dhiganta dollar kontan Milyan ($50,176,598). Lacagtaas boqolkii 73% Waa Mushaharka iyo Gunooyinka kala duwan ee Ciidamada, sidoo kale boqolkiiba 21% ay ah Kharashka isticmaalka alaabta hawsha ciidanka, sida dharka iyo dirayska ciidamada, Shiidaalka, Raashinka Ciidanka, iibsiga Daawadda, iibsiga Gogosha iyo maacuunka iyo wixii la mid ah. Ciidanka oo kale ah, Ciidanka Qaranka, Booliska, Asluubta, Socdaalka, Dab demiska, Ilaalada Xeebaha, Ilaalada Madaxtooyada JSL ayaa daawayntoodu loogu talo galay waxa ka yar 0.3% Miisaaniyadooda Guud.

Haddaba wax jira kharashaad si tudhaalo la’aan ah loo galiyay miisaaniyada iyada oo ay jiraan kuwa ka mudan oo ay ahayd in xoog la saaaro. waxa ka mid ah kuwan;

Kharashka Guud ee iibsiga Wargeysyadda iyo Bugaagta waa 1,452,051,062 SLSH oo u dhiganta $145,205 dollar. Madaxtooyada oo kaliya waa 400,000,000 SLSH ($40,000), halka 23ka wasaaradood ay yihiin 428,795,702 SLSH ($42,880). sidoo kale 18ka Laamood ee Haayadaha, Gudiyada ama Komishanada madaxa banaan ee dawladda ah ayaa iyna ah $19,396, Inta soo hadhay waa Golayaasha Baarlamaanka, Garsoorka iyo ciidamada kala duwan. Inkasta oo sanadkan hoos loo dhigay 8% haddana Sanadkii horena waxa ku baxday lacag ka badan hal bilayan iyo badh Shilinka Somaliland ah. Waa lacag aan macno badan ku fadhiyan oo wacan in si kale looga faa’iideeyo, waxaaba wacnaan lahayd haddii bilicda Caasimada intaas la galin lahaa oo dhirayn lagu samayn lahaa ama lagu daryeeli lahaa Ceelasha Xumbo weyne iyo Dararweyne ee Kumaan kuma qof biyaha looga keeno.

Mashruucaa biyo joojinta Dooxyada oo Wasaarada Biyahu fulinayso laguna daray Miisaaniyada Sanadkan ayaa ah 1,000,000,000 SLSH ($100,000). Waad dareemi kartaa in aan Biyaha la qabsado aynu ka jecelnay in aynu Wararka Wargaysyada Wasaaradaha iska dhex akhrino inaga oo haraadan ama aan Caafimaad iyo daawoba haysan, bal mar kale eeg Kharashka Daawada loogu talo galay ee ku Jira Miisaaniyada Wasaarada Caafimaadka waa 600,000,000 SLSH ($60,000), Isna waa mid ka yar kharashkii Joornada loogu talo galay. Sidoo kale Kharashka Wax ka qabashada Xaalufka iyo Mashruuca Dhiraynta ee Wasaarada Deegaanka oo dhan 1,000,000,000 SLSH ($100,000) isna sidoo kale wuu ka yar yahay kharashka Joornaalka loo qoondeeyay.

  1. Kharashka loo qoondeeyay Martiqaadyada iyo Munaasibadaha waa 7,050,315,964 SLSH oo dollar u dhiganta $705,032 (rate $1= 10,000 SLSH). Madaxtooyada iyo Xaflada 18 May-ga ayaa ah kala badh in ka badan kharashkaas ($380,000). Dhan kale, Tababarka & Imtixaanadka ay Agaasinka tacliinta Sare u xilsaarantahay kaliya $5000, halka Kormeerka Jaamacadahan loo asteeyay $10,000, halka Kharashka Cilmi baadhistuna yahay $17,000, dhamaantood waxa ka badan kharashka Munaasibadaga iyo Martiqaadyada. tani waa astaan cad oo ina Tusaysa in aan la rabin in Mustaqbalka la maalgashado.
  2. Habeen Dhaxyada (Travelling allowances), Inkasta oo ay shaqada ka mid tahay haddan waxaad moodaa in uu aad u badan yahay iyada oo inta aan waxa natiijo ah laga helin booqlida shaqo ee Dawladda. Kharashkan oo ah kharashka isticmaalka adeega hawleedka Dawladda ayaa ah 4,470,848,289 oo u dhiganta $474,085. Inkasta oo 8% hoos loo dhigay marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore, haddana Wasaaradaha Maaliyada iyo Hanti dhawrka Guud ayaa u badan isticmaalka kharashkan. Hanti Dhawarka ayay su’aalo badan dul taagan tahay waxqabadkiisa iyo lacagtaas badan ee habeen dhaxa ah.
  3. Kharashka Daryeelka Gaadiidka, Miishanada, Xafiisyadda & Guryaha waxa la khordhiyay 6% marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore, waa 13,341,463,161 SLSH oo u dhigan $ 1,334,146. Tan waa yaab kale, waxay ka badan tahay Kharashka imtixaanadka Qaranka oo dhan $1,018,834. Iyada oo waxaas oo kharash ahi inaga baxo ayaa si masuuliyad daro ah Baabuurta dawladda loo wataa wakhtiyada ka baxsan Shaqadda Dawladda, sidoo kale iyada oo waxaas oo kharash ah la galiyo Imtixaanaadka Qaranka ayaa Sanad walba sharci daro loo xadaa Imtixaanka ama loo fadhiisiyaa Iskuulada arday Imtixaan soo marin. Waa dhiig bax.
  4. Iibsiga Qalabka Xafiisyada, Guryaha waxa la kordhiyay 65% marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore, waa 4,821,000,000 SLSH oo u dhiganta $ 482,100.
  5. Kharashka Batroolka, Naafatadda & Saliidaha waxa hoos loo dhigay 2%, waa 31,328,463,008 SLSH oo u dhiganta $ 3,132,846. waxa is waydiin mudan maxaa in ka badan hoos loogu dhigi waayay.
  6. iibsiga Gaadiidka iyo Mishiinada waxa sare loo qaaday 25% marka loo eego miisaaniyadii sanadkii hore, waa 10,350,000,000 SLSH ah una dhiganta $1,035,000. Boqolkiiba 72% kharashkaas ($745,000) iibsiga Gaadiidka iyo Mishiinada waxa loo qoondeeyay 13 wasaaradood iyo Agaasinka Tacliinta Sare, waxa ay ka badan tahay in ku dhaw saddex goor inta loo qoodeeyay Ciidamada ($275,000) inay Qalab siitaan. Miisaaniyadii Sanadkii hore waxa ku baxay iibsiga Gaadiidka iyo Mishiinada lacag ka badan Todoba bilyan iyo sideed boqol iyo Afar milyan oo shilan oo u dhiganta ($780,400). Halkee ayay Mareen ayaa is waydiin Muddan.

 

W/Q: Aqoonyahan Cabdiqani Cigeh

COMMENTS
LINKS