Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka (Semi Final) Champions League Oo La Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka (Semi Final) Champions League Oo La Sameeyay
April 13, 2018 - Written by Reporter:

Isku aadka Champions League ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo culus oo hore loo saadaalinayay, Real Madrid ayaana mari doonta tijaabo kale oo culus isla markaana la kulmi doonta Bayern Munich.

real

 

Labadaan kooxood waxey isku arkeen quarter final-ka Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo ay Madrid soo baxda, balse markaan waxey ku kulmayaan semi final-ka.

Jupp Heynckess waa macalinkii sadexleyda koobabka ah u qaaday Bayern Munich 2013 haddana wuxuu u socda inuu sidaa sameeyo.

Dhanka kale Liverpool & Roma ayaa isku aaday iyadoo Mohamed Salah uu durba la ciyaari doono kooxdiis hore, si qurux badan ayeyna bartooda twitter-ka ugu soo dhaweeyeen iney arki doonaan wiilkoodii hore kooxda ka dhisan caasimadda.

 

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

 

Bayern Munich vs Real Madrid

 

Liverpool vs As Roma

 

Lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 24-ka iyo 25-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 1-da iyo 2-da May.

 

COMMENTS
LINKS