Iyamaa Gar Leh Agaasime Cabdi Cali Iyo Madaxwaynaha? Sartu Halkey Ka Qudhuntay? By: Barkhad-ladiif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iyamaa Gar Leh Agaasime Cabdi Cali Iyo Madaxwaynaha? Sartu Halkey Ka Qudhuntay? By: Barkhad-ladiif
April 13, 2018 - Written by Editor:

Agaasimihii hore wasaarada Qorsheynta qaranka Prof Cabdi Cali waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka kooban ee aqoonyahanka ah ee lagu xanto inuu yahay dadka ka nadiifta ah Musuq masuqa iyo maamul xumadda, waxa uu ahaa macalin dhalinyaro badan oo aqoonyahano ah soo saaray, waa shakhsi af gaaban oo shaqadiisa uun ku kooban oo aan lagu arag meelaha is muujinta iyo madaxweyne I araga looyaqaan.

Prof: Abdi Cali wuxuu ku soo baxay doorashaddii ugu horeysay ee golaha deegaanka ee Hargeysa shan iyo toban sanno ka hor, haseyeeshee markii uu arkay ragii la soo baxay oo aanay qorshe ugu jirin wax qabad wax la cuno mooyee

ayuu ka door biday inuu banaanka ka soojoogo, ka dibna waxa uu noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee is casila ee doorasho ka soo baxa.

Doodda Agaasimaha:

Agaasimuhu wuxuu ku dooday in madaxweynuhu hal dhinac dhagaystay, isla markaana difaaciisa aanu dhagaysan, waxaanu madaxweynaha u sheegay in dhinaciisa uu dhagaysto, madaxweynuhu laba cisho ka dib buu la ballamay, nasiib xumo madaxweynihii maalintii ay ballansanayaanee si ay u dhacdayba isma arag, sidaasna uu markiiba uu isku casilay, inkastoo ay ku fiicnayd in aanu ku deg degin oo uu maalmo biyo dhiijiyyo hadana way dhacdo oo wuu is casilay.

Khilaafku halkuu ka bilaabmay:

Markii is casilaadu dhacday waxaan raadiyey xogta dhabta ah eek u saabsan halka uu khilaafku ka dhashay si akhristayaashu u gar qaadaan, waxaaan ogaaday in agaasimaha ay is khilaafeen wasiir ku xigeenka wasaaradda, waxaanu ka dacweeyey wasiirka oo uu sheegay in shaqaddii agaasimaha si sharci daro ah uu ula wareegay wasiir ku xigeenka oo isagu shaqo aanu lahayn samaystay, haseyeeshee wasiirkii dacwada loo gudbiyey waxba kama qaban, mar kale wuu ka dacweeyey, sida xogta ku helayo wasiirku wuu u dhoola cadeeyey,wax jawaab ahna kuma soo celin, taas oo ula muuqatay inay isku dhinac noqdeen wasiirkii iyo wasiir ku xigeenkii.

Wasiir ku xigeenkii laga dacwooday ayaa hadana uga horeeyey madaxweynihii, waxaanu ka ashkadooday agaasimaha, inkastoo madaxweynaha ku fiicnayd inuu labadda dhinac dhagaysto, haseyeeshee waxa uu telefoonka usoo direy agaasimaha sida uu agaasimuhu inoo sheegayna ku canaantay inuu ka dambeeyo wasiirka.

Agaasimuhu wuxuu filanayey in wixii jira badka la keeno si cidii khaldan loo arko, isla markaana uu is baraxo, nasiib daro markii uu madaxweynaha la kulmi kari waayey waxa ku yimid niyad jab, shaqadiina si fiican uma soconayso oo iskuma san banaanna wasiirka, maqaar saarna wuu noqon kari waayey, sidaas baa ku kaliftay inuu xilka baneeyo.

 

Agaasime Cabdi Cali laba jeerba abaal buu u gallay madaxweyne Muuse Biixi, wakhtigii uu xirsi wasiirka ahaa ee la eryeynayey shakhsiyaadka kaliya ee taageersan ee xukuumadda ku jirta ayuu ka mid ahaa, mar kale waxa Abdi Cali is qabteen wasiirkiisii Qorsheynta ee hore Maxamed Ibraahim Qabo, wakhtigii ololaha, wasiirkaasi waxa uu ku sameeyey shaqo ka joojin ilaa uu gaadhigii ka dhigay, wakhtigaasi oo uu damcay inuu is casilo waxa uu iska casilo waayey Muuse Biixi dartii, maadama oo uu Muuse Biixi cod iyo taageero doonayey waxa uu door biday dhib kasta oo u dhaca inuu iska dul qaato, hadii uu is casilo Muuse waxba uma tari kareyn ama faa’iido umay lahayn, waxana loo arki karayey inuu Muuse ka soo horjeedo marka buuqii jirey hoos uu u dhigay isagana u tanaasulay wasiirka, wakhtigaasi wasiir Qabo waxa uu dibada ka keensday saddex qof oo agaasime waaxeed ka dhigtay, iyadoo wakhtigaasi la joojiyey in shaqaale la qorto, waxa kale oo miisaaniyada kala baxay lacag uu markii dambe ku sheegay inuu xisbiga KULMIYE baabuur ugu iibayey , isagoo arrimahaasi oo dhan arkaya oo ahayd inuu la xisaabtamo marxalada lagu jiro darteed ayuu uga tanaasulay.

Agaasime Cabdi Cali waxa uu sugayey inuu xilalka ugu waaweyn madaxweynuhu ku abaalmariyo, tiina may dhicin, ilaa hadana degreetaddii madaxweyne Siilaayo ayuu wali xilka ku hayey, wallow ay saaxiibo ahaayeen madaxweyne Muuse hadana nasiibku kuma soo darin degreetooyinkii badnaa ee uu magacaabayey.

Khaladka Agaasimaha:

Cabdi Cali waxay ahayd in uu sugo inta uu fursad u helayo madaweynaha si gartiisa u sheegto, balse halkaasi waxa ka muuqday degdegsiimo badan, mid kalena way seegtay oo may ahayn wixii madaxweynaha dhex maray inuu banaanka soo dhigo, taasina qarsiimo la’aan iyo masuuliyad daro ka muuqday.

Si kastaba ha ahaatee, aragtidayda aan ka qabo doodaasi, waxaan u arkaa in gaasimaha laga gardarnaa oo khilaafkaasi jirey loo heli lahaa xal lagu maareeyo, waxaanay ahayd in gartiisa la dhagaysto, waxaanse hubaa in aanu Cabdi Cali ahayn dadka dawlada ku nool ee uu yahay shakhsiyaadka tiradda yar ee aan dawlada ka shaqaysan ee uu yahay aqoonyahan hadii shaqadiisa loo madax banaanaysiiyo wax badan soo kordhin kara.

By: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

 

COMMENTS
LINKS