Dhegaysiga Radhyow Hargaysa W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhegaysiga Radhyow Hargaysa W/Q: Cali Cabdi Coomay
April 13, 2018 - Written by Reporter:

Haddii la doonayo in kor loo qaado dhegaysiga idaacadda Radhyow Hargaysa, waxa fiican in laga xoreeyo labada idaacadood ee duullaanka

coomay2(8)nnnnnnnnnnnn

Waa idaacadii ugu horaysay ee adduunka af-soomaali ku hadasha, waxaana tijaabadeeda la bilaabay sannadkii 1941. Magaceedii hore ee loogu wanqalay wuxuu ahaa RADHYOW KUDU, waxaana magacan laga beddelay sannadkii 1944, loona beddelay RADHYOW HARGAYSA. Xaaji Cabdi Ayuub ayaa ahaa ninkii ugu horeeyey ee ka hadla Radhyow Kudu ama Radhyow Hargaysa, waana ninkii ugu horeeyey ee ka hadlay idaacadda laanta af-soomaaliga ee BBC. Qolka keydka cajadalaha ee Radhyow Hargaysa 16 sannadood ayuu ka weyn yahay qolka keydka idaacadda BBC-da laanta af-soomaaliga. Barnmaamijyada ka baxa idaacadda Radhyow Hargaysa waa kuwa dheelitiran. Tix-raacu waa qoraallo aan hore uga diyaariyey warbaahinta Soomaalida.

Kor-u-qaadista Dhegaysiga Radhyow Hargaysa

 

 

Haddii la doonayo in kor loo qaado dhegaysiga idaacadda Radhyow Hargaysa, waxa fiican in laga xoreeyo labada idaacadood ee duullaanka ku ah dhegaysigeeda, eek ala ah BBC-Somali iyo VOA-Somali. Markaad u kuurgashid wakhtiyada ay reer Hargaysa aadka u dhegaysataan Radhyow Hargaysa, waxa kuu soo baxaya in ay tahay inta ay labadan idaacadood hawada ka maqan yihiin. Haddaba haddii la doonayo in kor loo qaado dhegaysiga Radhyow Hargaysa waa in la qaado laba tallaabo oo kala ah:

 

 

= in la joojiyo oo gebi ahaanba la laalo baahinaha kala ah, 1:30 duhurnimo ee VOA Somali iyo 2:00 duhurnimo ee BBC-Somali.

 

 

= in la laalo baahinaha kala ah, 4:00 galabnimo ee VOA Somali iyo 5:00 galabnimo ee BBC-Somali.

 

 

Labadan wakhti waa kuwa ugu dhegaysiga badan ee ay shacabka reer Soomaalilaan toos ula socdaan waxa ay idaacaduhu baahinayaan. Wakhtiyada kale waa la iska dayn karaa oo saamayntooda ayaa yar.

 

 

Cadowtooyada Labadan Idaacadood

 

 

BBC-Somali iyo VOA-Somali madaxdooda haddu waa niman ka siman nacaybka iyo colaadinta Soomaalilaan, waxa taasina markhaati cad u ah sida aanay isugu dheelitirin wararka, barnmaamijyada, doodaha iyo falanqaymaha ka baxaya labadan idaacadood ee ku saabsan Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa la yidhi’ meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido’ BBC-Somali barnmaamijyadeedii ku saabsanaa heshiiskii DPWORLD Berbera, waxa ay saddex baahinood isku xigsiisay saddex qof oo arrinta Berbera falaqayn ku samaynayey oo dhamaantood ka soo horjeeday heshiiska. Waxa ay kala ahaayeen, Dr. Bur-saliid oo bare jaamacadeed ah, xubin ka tirsan ururka xasaradaha adduunka iyo nin la yidhaa Sakariye oo ahaa sharciyaqaan Maraykanka degnaa.

 

 

Midna muu taageersanayn heshiiska DPWORLD ee Berbera, taasina waa dheelitir la’aan cad oo badheedh ah. Haddiiba uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku tago dibadda, waxa ay warkiisa u soo tebiyaan tallaabo tallaabo, halka haddiiba uu madaxweynaha Soomaalilaan booqasho ku tago dibadda ay wararkooda ku sheegeen markuu baxo oo keliya. Sidoo kale waxa labadan idaacadood ka buuxa suxufiyiin u dhashay Soomaaliya oo Soomaalilaan nacaybka ka sokow xittaa heer bilow ah aan ka aqoon gobollada Soomaalilaan, halka kuwa Soomaaliyana ay u abtiriyaan iyaga oo meelaha qaar buunbuuniya ileyn waa deegaankoodii ay ka yimaadeenne.

 

 

Dhawaan ayey suxufiyada Caasha Cuud oo ka tirsan VOA Somali ku dhawaaqi kari weyday magaalada’ BADHAN’ ee Soomaalilaan, waayo waxa ay ku hadashaa lahjada ay ku hadlaan reer Muqdisho oo ma karaan ama kuma dhawaaqi karaan erayga’ DH’ oo waxa ay adeegsadaan erayga’R’. markaa magaca magaaladani wuxuu noqonayaa ‘BARAN’ oo micnihii iyo goobtii ayaa is-beddelaysa. Markii af-soomaaliga la qorayey, ayaa la isku qabtay labada eray ee”R” iyo “dh” bal ka la isticmaalayo. Guddigii af-soomaaliga ayaa labadan kooxood oo isku haystay labadan eray soo kala dhexgalay. Ka dib waxa la yidhi “ waar kooxdan wadata “R” bal isticmaala eraygan oo waxaad tidhaahdaan “gabar” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, oo waxay noqotay “gabrro”. Ka dib waxa lagu yidhi gabrro waa cay dhinaca waqooyiga soomaaliya (Soomaalilaan-t maanta). Kuwii watay “dh” ayaa yidhi”gabadh” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, waxay noqotay” gabdho”. Markaa waxa halkaasi lagaga adkaaday kuwii watay erayga “R” oo waxa la isla qaatay in erayga “dh” dhammaan warbaahintu isticmaasho.

 

 

 

 

 

Af-Soomaaliga Qalloocan ee ay Adeegsadaan labadan idaacadood:

 

 

Afka Qalloocan                                                                           Afka Toosan

 

 

Roobab ka dillaacay Soomaalilaan…………………………..Roobab ka curtay

 

 

Diyaarad raqdeedii……………………………………………Diyaarad burburkeedii

 

 

Wasiirayaal……………………………………………………Wasiirro

 

 

Naagayaasha Nayroobi………………………………………Naagaha Nayroobi

 

 

Nimanyaal…………………………………………………….Niman

 

 

Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed…………………Madaxweynaha Soomaaliya

 

 

Shacab iyo dadweyne………………………………………..Dadweynaha

 

 

Degmada Baliga_Dhiiga……………………………………..Degmada Balay-dhiig

 

 

Hargab ayaa ku dhuftay……………………………………..Hargab ayaa ka dillaacay

 

 

Wadanyaasha………………………………………………….Wadayaasha

 

 

30 ilmood………………………………………………………30 carruura

 

 

Deegaanyaasha………………………………………………..Deegaanada

 

 

Beero dabar’go’ay……………………………………………..Beero xaalufay

 

 

Gaadhiyaalka……………………………………………………Gaadhiyada

 

 

Markab quusay…………………………………………………Markab degay

 

 

Weriyaheenna………………………………………………..Weriyahayaga

 

 

Qaad cunayaalka…………………………………………….Qaad cunayaasha

 

 

Dad la weysan yahay………………………………………..Dad la waayey

 

 

Aan idiin ciyaaro……………………………………………..Aan idiin saaro

 

 

Kooxaha Badbaadiyaasha…………………………………Kooxaha gurmadka deg-dega

 

 

Xeryoyaal…………………………………………………….Xerooyin

 

 

Tuulayaasha…………………………………………………Tuulooyinka

 

 

Diyaarad baadi ah…………………………………………..Diyaarad la la’yahay

 

 

Cali Cabdi Coomay

 

 

Suxufi, qoraa ah.

 

 

Hargaysa, Soomaalilaan 

 

 

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS