Fahanka Xisbiyada iyo Dadkeena! W/Q. Ifrah Kirih | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fahanka Xisbiyada iyo Dadkeena! W/Q. Ifrah Kirih
April 13, 2018 - Written by Reporter:

Nidaamka dimuquraadiyada ayaa sidiisaba dabcigiisu yahay in la helo xisbiyo kala afkaaro ah oo ku tartama kolba talada dalkaa laga yagleelay. Dhamaan xisbiyadaasi waxa lagu saleeya mabaadii iyo siyaasado ay ka duulaan una soo bandhigaan hadba bulshada ay codka ka rabaan mabaadiida ugu waaweyn ee ay ka siman yihiina waxay tahay ilaalinta danta dalkooda iyo dadkooda.

29102100_1773213769406245_5439995990746595328_n

 

Xisbiyada dunida ka jira laguma galo reero, lagumana galo lacag ee waxa lagu xushaa aragti iyo kala duwanaansho mabda cidina iskuma qoonsato ee qof walba waxa lagu ixtiraama doonista xisbiguu cugtay, waxaana lagu buriyaa aragtiyo iyo doodo hadba fikirka ama tiraabta uu xisbigaasi qabo. Dhaqanka xisbiyada dunida waxa ka ceebaal ah ama aan meelna ka soo gelin in qof xisbi ka tirsan shaqsi ahaan loo caayo amaba lagu tilmaamo inuu ahaa mid xisbiga ugu jirey si uu u wiiqo dhamaan xisbiyada waaweyn ee duniduna aad bay uga taxadiraan ka xisbi ahaan inay is dhaleeceeyan ama qof ka tagay eedo u soo jeediyaan, maxaa yeelay waxa ay dhawranayaan sharafta weyn ee xisbigii uu ka tirsanaa ku dhex lahaa bulshada.

 

Haddaba dal ahaan intii aynu qaadanay geedigan xisbiyada badan iyo ku tartanka doorashooyinka xalaasha ah waxaynu jideynay oo aynu u samaysanay xisbiyada inaynu aragti ahaan iyo fikir ahaanba ku kala xulano, waxayse inaga noqotay dhabo khaldan iyo umad weliba ceelkeed oo sidii reeraha iyo jufooyinka ayaynu u kala raacnay isuna siinay xisbiyadii. Taasi waxay meeshii ka saartey in la qiimeeyo kala duwanaanshihii aragtiyaha adamahan kala xushay xisbiyadaa iyo weliba ku xaq dhawrka fikirka qofkii kaa soo horjeeday iyada oo dadka aan fahansanayn xisbinimadu ay qofka aragti cabira ula holadaan inuu reero durey ama hogaanka xisbiga wax ka sheegay.

 

Dhaqankaasi foosha xun leh waxa uu sii xoogeystay inihii dambe dal ahaan ilaa imikana iima muuqato wacyi ama nidaam lagu bedelaa aan ka ahayn umada oo aqoon iyo garasho ahaanba xisbiyadu dhisaan maamul daadajin badana dhexdooda ka sameeyaan.

 

Xisbi waad dhaliili kartaa nidaam ahaan waxase ceebaal ah inaad shaqsiyaad ka mid ah qofnimadiisa durto adoon dhaliilin shaqaduu kuu hayo waana dhaqan inagu badan dad ahaan diin ahaana aan inoo fiicnayn.

 

Hadaba gebegadii qoraalkaygan waxaan jeclahay inaan xasuusiyo tageerayaasha iyo hogaanada asxaabta dalku inay fahmaan ujeedada xisbi loo asaaso iyo sababta loo tageera inay ka weyn tahay waa ila reer iyo waa ila cid ee ay u gartaan xisbiyadani inay fulinayaan afkaaro ay rabaan inay dal iyo dad kala fikrado ah isugu keenaan kuna hogaamiyaan.

 

Mid kale waxaan leeyahay qurbojoogta siyaasada ka falanqeeya facebook iyo baraha kale ee tageeradooda ku saleeyey hab beelaysigu inay wakhtigooda u tudhaan oo ugu yaraan isku dayaan inay bal qaybo ka noqdaan xisbiyada ka jira wadamada ay ku nool yihiin si ay inuun aqoon iyo waayo aragnimo uga korodhsadaan dadkoodana uga faa’ideeyaan.

 

wabilaahi tawfiiq.

 

“Rabaw eex ma tiraabine, aqoon ha igu cadaabin”

COMMENTS
LINKS