Madaxweynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum dr. Jaamac Daa,uud Cismaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Tacsi U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum dr. Jaamac Daa,uud Cismaan
April 14, 2018 - Written by Reporter:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Jaamac Daa’uud Cismaan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2018 ku geeriyooday, magaalada Burco.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey dhakhtar ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay wakhtiyadii kala duwanaa ee la soo maray dalka, isagoo marxuumku ka mid ahaa mujaahidiintii qaybta ka qaatay halgamadii kala danbeeyey ee xirfadiisa dhakhtarnimo uga faa’iideeyey dadkiisa sidoo kalena qayb ku lahaa dib u dhiskii dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS