WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidanka Qaranka Iyo Madaxweynuhu Wey Wada DHasheen, Balse SHaqada Qarankaa Kulmisey Maanta, Danbina Ma’aha.

Dhinaca Sooyaalka Somaliland mansabyadeeda ugu sareeya hadaan u galo taariikhdooda , Horta Qaranka waxa loo qaybiyaa
jeesto(43)
Waxa   soo  if-baxayey  maalmahan  danbe  bar-tilmaameed  ku  aadan  labada  kursi  ee  Madaxweynaha  Qaranka  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  iyo  Taliyaha  Ciidanka  Qaranka  Sareeye-gaas  Nuux  Ismaaciil  Taani  iney  isku  hayb  yihiin  labadan  masuul,  balse  mufakiriinta  arintaasi  waxaaney  xisaabta  ku  darsan  iney  labadan  masuul  ku  kulmeen  shaqada  qaranka  jamhuuriyada  Somaliland  oo  wax  curfi  ama  qaraaba-kiila  aaney  ku  wada  shaqayn,  Somalilandna  meel  wanaagsan  bay  mareysaa  kumana  haboona  kala  qaad-qaad  iyo  kala  qoqob  bulshadeeda  la  dhex  dhigo.

Dhinaca  Sooyaalka  Somaliland  mansabyadeeda  ugu  sareeya  hadaan  u  galo  taariikhdooda ,  Horta  Qaranka  waxa  loo  qaybiyaa  saddex  qaybood  oo  kala  ah  (Excultive  Council ,  Golaha  Fulinta- Waana  Madaxweynaha  iyo  Golahiisa  Xukuumada),  (Legislative  Council,  Golaha  Sharci-dajinta –  Waa  Barlamaanka  iyo  aqalka  Guurtida  oo  waliba  Xeerka  qeexaya  Dastuurka  qodobka  uu  ku  leeyahay  golahani   Awooda  siiyo  Guurtida,),  (Juditiary  Council,  Golaha  Garsoorka  Maxamada  Sare ,  Iyo  Maxakamada  Dastuuriga  ah),

Markaa  horta  xilelka  Qaranku  waa  kuwaa  wixii  intaa  ka  sokeeya  ma,aha  kuwo  miisaan  dastuuriya  leh,  Midna  ku  darsadoo  kursiga  Taliyaha  Ciidanka  Qaranka  Jamhuuriyada  Somaliland  ee  hada  Sareeye-gaas  Nuux  Ismaaciil  Taani  Hayo  waa  digteero  Madaxweyne  ma,aha  Digreeto  dastuuriya  oo  golaha  sharci-dajintu  awood  dastuuriya  ku  naaqisho  sida  Gudoomiyaha  Maxakamada  sare,  Wixii  digreeto  Madaxweyne  ah  waa  golaha  fulinta  markaa  cida  ku  soo  meeraysanaysa  waxaan  leenahay  adeer  qarankaa  loo  shaqaynayaa  waana  waajib  inaan  loo  joojin  cidna  oo  hore  loo  socdo.

DHinaca  xisaabta  soomaalida  ee  saami  qaybsiga  hadaan  ka  eego  dalka  waxa  hada  xilka  ka  dagey  Madaxweyne  Siilaanyo  isagoo  hogaamiyihii  dalka  ugu  sareeyey  ah  waxa  isna  Qaranka  u  shaqaynayey   Gudoomiyaha  Golaha  Guurtida  Somaliland(  Saleebaan  Maxamuud  Aadan)  oo  ay  isu  hayb  ahaayeen,  Waxa  taasi  ka  sii  horeysay  dawladii  Marxuum  Madaxweyne  Cigaal  oo  isagoo  madaxweyne  ah  uu  Golaha  Guurtida  Joogay  Sheekal  Baladkii ( Sheekh  Ibraahim   Sheekh  Yuusuf  Sheekh  Mader),  Iyo  waliba  isla  janenka  ciidanka  Qaranka  oo  ahaa  Allaaya  Raxmiye  General  (Xasan  Yoonis  Habane).

Sidaa  darteed  maanta  waa  la  shaqeynayaa  qarankaa  la  horu-marinayaa  markaa  waa  in  handidaada  laga  daaya  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  (Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi)  Xukuumadiisa  iyo  hogaankiisuba  midna  maanta  dhaliil  uma  qalmo ,  Soomaalidaa  tidhaahda  (Indhihii  Bakoora  Qabaa  Cadceeda  Ma  Arkaan) ,  Waxa  kuwii  hore  lagala  xishoodey  waa  inaan  lagula  soo  hagaagin  Madaxweynahan  shaqeynaya  oo  aan  laga  hakin  dariiqa  saxda  ah  ee  cagta  saarey, Tani  taliyuhuna  waa  nin  karti  leh  oo  isaga  qaranku  ka  maarmi  waayey  waa  (Milatery  Leadership)  taasibaa  u  saamaxdey  inuu  hago  ciidanka  ama  hogaamiyo  ma,aha  nin  iska  yimidey  balse  haybad  iyo  garasho  aqoon  buuxda  oo  ciidan  ayuu  Taliye  ku  yahay  Sareeye-gaas  Nuux  Ismaaciil  Taani.

Ugu  danbayn  waxaan  soo  jeedinayaa  in  laga  daayo  tooshka  cambaarta  masuuliyiinta  karti  iyo  awooda  shaqo  leh  ee  Qaranka  u  adeegaya  Garasho  lagu  tuhmey  awgeed  waad  ogtihiin  dawladan  inta  badan  ma  jiro  masuul  bilaa  (Proffesional  ah)  oon  ku  haboonayn  shaqada  uu  hayo,  Midna  waa  dib  u  socod  eraygii  shalay  ku  haboonaa  maaha  in  maanta  la  keeno  waxaasi  waxa  la  yidhaa  xaasidnimo  ama  (Dirty  Game),  Qarankana  maanta  halkaa  wuu  ka  gudbay  labadaa  Hanadee  Qaranka  usoo  baxaney  haloo  duceeyo  oo  halala  shaqeeyo  markaasaan  heer  mudanaynaa.

Igama  aha  Eex  iyo  qaraabo-kiil  Qormadani  balse  wixii  qaladan  waligay  baan  sixi  jirey  waliba  dhinaca  qalinka ,  Xaaladaha  dalkana  waan  falanqeeyaa  hadba  kadertii  la  marayo,  Markaa  maanta  xilkaygii  qalin  ayaan  gutey  umaan  hiilin  Masuuliyiinta  Qalinkuna  malaha   arimaha  noocaasa  waa  xaqiijiye  ama  cadeeye.

 

Qalinka:C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

 

 

 

Exit mobile version