Faa’idada Ku Jirta In La Xisaabtamo, Ama Wax La Isweydiiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faa’idada Ku Jirta In La Xisaabtamo, Ama Wax La Isweydiiyo.
April 15, 2018 - Written by Reporter:

Jawaabtu way iska cadahay, qabyaalada, cadaalad xumada iyo musuq maasaqa intaba bulshada ayaa badali karta, waa hadii ay doonayaan.

MIIII

Hab u dhaqanka bulshada guud ahaan.

Hadii aanay bulshadu guud ahaan, aanay ahayn  bulsho wanaaga jecel, wanaagana is farta (morally ethical society), way adagtahay, suurto galna ma aha in ay bulshadaa hab nololeedkooda ay wax iska bedelaan “xatta hadii dawlada, ama maamulka 100 jeer la badalo.

Ma ogtahay in ay xaqiiq tahay in uu isbedelku ku jiro bulshada guud ahaan, qiyaas ahaan maxay kula tahay-“yaa qabyaalada wada” ma dad gaar ah? Mise bulshada guud ahaan?

Jawaabtu way iska cadahay, qabyaalada, cadaalad xumada iyo musuq maasaqa intaba bulshada ayaa badali karta, waa hadii ay doonayaan.

Hadaba arrinba xalkeeda meelbaa laga bilaabaa, in lagu dadaalo sidii bulshada dhaqankooda loo badali lahaa, laguna dadaalo in dhaqanka la badalayaa uu ku jiro ilaa waxbarashada skuulada caruurta, arrintaana loogu talo galo in ay qaadan karto ilaa iyo 25 sanadood.

Suaasha ugu horeysaa, waxa weeye xagee baa laga bilaabaya? Si dhaqanka bulshada loo badalo?

Qodobka koobaad -bulshada in lagu dhiiri galiyo in ay xisaabtamaan, in ay wax hubsadaan iyo in wax la isweydiiyo? Suaalahaas oo dhan waxa laga doonaa hal natiijo  (objective ), taas oo ah in ay bulshadu kala barato wanaaga iyo xumaanta  (hadii la xisaabtamo oo wax la isweydiiyo, waxba ma xumaadaan) hadii ay wax xumaadaana, suaasha ku xigta ayaa xalkii keenaysa, oo ah sidee wax loo xaliyaa?

Dhaqanka somalida kuma jiro in wax la isweydiiyo, taasina dhibaatooyin badan ayay leedahay, nolosha guud ahaan iyo maamul ahaanba.

Tusaale ahaan hadii somalidu wax isweydiin lahayd, waxa la isku taxalujin lahaa in la isweydiiyo, sadaqada sanad walba abaaraha loo uruuriyo, ee aan laga warhayn meel ay marto.

Waxa xaqiiq ah in bulsho badan oo abaarihii ka soo barakacday, waliba magaalooyinka waaweyn aan ka fogeyn, in aan badakooda xataa caagad biyo ah loo gaynin.

Waxa kale oo jirta in qalab iskuulo, ama caafimaad oo qurbaha laga diray, si tabaruc ahaan ah in suuqyada lagu iibiyo, bal ka waran faaidada ay yeelan lahayd in wax la isweydiiyo, oo aan qofna si indho la’aan ah aan la isaga aaminin.

Faaidada ku jirta in wax la isweydiyo ama la xisaabtamo, waa laba, ama waxbaa si fiican loo qaban, ama wixii khaldamay ayaa la sixi,   labada jeerba waxbaa hagaagi.

Ahmed miino

London

ariif13@gmail.com

COMMENTS
LINKS