Gudoomiyihii Ururka Jiidali Oo Madaxwayne Muuse Biixi Ku Dhaliilay Habka Uu u Kala Xushay Dhalinyaradii Ururka Ee kamid Noqoshada Xukuumadiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Ururka Jiidali Oo Madaxwayne Muuse Biixi Ku Dhaliilay Habka Uu u Kala Xushay Dhalinyaradii Ururka Ee kamid Noqoshada Xukuumadiisa.
April 15, 2018 - Written by Editor:

“Jiidali Waxuu Ahaa Ururkii Madaxwayne  Muuse Biixi Garabka Wayn Siiyay  Ee Xadhiga  Ugalay  Balse Talaabada Uu Qaaday Maaha Mid Xaq Soora” Gudoomiye  Cabdiraxmaan,

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyihii Ururka Jiidali oo ahaa ururadii ka abuuray khilaafkii udhaxeeyay xukuumadii siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo uu xiligaa madaxwayne muuse biixi ku doonayay in xisbiga lagu wareejiya  isla markaana dadaalka dheer ugalay sidii xisbiga kulmiye loogu wareejin lahaa madaxwaynaha maanta ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada hargaysa wuxu markii uhoraysay si adag u dhaliilay habka madxwayne muuse biixi uu u kala xushay dhalinyaradaa doorka muhiim ka ah ku lahayd helista kursiga uu maanta ku fadhiyo

Gudoomiye cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday in madaxwaynuhu kala xigtaystay  xubnihii ururka hogaaminayay kuwaasi oo sida uu sheegay uu kuwii beeshiisa xilal kala duwan uga dhiibay xukuumadiisa halka dhalinyradii kale aanu waxba siinin.

HALKANKA DAAWO MUUQAALKA WARKA GUDOOMIYAH JIIDALI;

 

COMMENTS
LINKS