Waa kuma Aabaha Nabada Heer Qaran Xaaji Cabdi Waraabe Ka Dib? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa kuma Aabaha Nabada Heer Qaran Xaaji Cabdi Waraabe Ka Dib?
April 15, 2018 - Written by Editor:

Waxuu Dhashay Wakhtiyadii Xamaasada xoriyad doonku saamaysay dhamaan deegaanada Somaalida. Wuxuu la kawsaday caadifad wadaniyeed oo dadka miyi iyo magaalaba joogaa doonayaan in laga xoroobo Gumaystihii Ingiriska.Aabaha dhalay waxa uu ka mid ahaa dadkii dalka dibu ugu soo guryo noqday markii uu u tacabiray dalka Yemen magaalada Cadan.

Waxuu ka mid yahay dadka inta waayo-araga ah ee in loo xoroobaa macnaha ay leedahay garanaya. waxuu ka mid noqday dhadhaaqaaqyadii siyaasiga ahaa ee u ololaha ugu jiray in Soomaali dawlad hesho. waxa wakhtigaas guursaday xaaskiisa ugu danbaysay oo ah hooyada ku curatay geesigan ku suntan ilaalinta iyo dhaqan galinta Nabada Somaliland wakhti sanadku ku beegnaa 1958. Waxa uu dugsi quraan ka bilaabay tuulada Ijaaaro ee ku dhashay lakin uma ay suuro galin in uu sii wato waxbarashadii kale ka dib markii masuulayadii Geela la saaray. Dhalinyaranimadiisii waxa uu ku dhamaystay geeljirenimo iyo masuuliyad qoyseed oo uu isaga u waynaa. Waxa uu la walaalyahay 11 wiilal ah iyo 7 hablood oo saddex hooyo kala dhaleen.Gaashaan qaadnimadiisii waxa uu soo wareeegay nolol magaalo oo ku soo xidhmay Magaaloyinkii Gabiley iyo Hargiesa. 1980kii  ayuu ku aqal galay degaanka Gabiley. 1984kii ayuu ku biiray Jabhadii SNM iyo halgankii dib u xoraynta qaran. Waxa mudo gaaban ka mid noqday maamulkii guutadii shanaad ee hormoodka ka ahayd halganka oo SNM ka hor ahayd Jabhadii Afraad ee lagu soo hirtay. Dhacdooyinka xanuunka badan ee waayihiisi jabhadnimo waxa ka mid ah in deegaanka Boqor oo ay deganayd ciidankii Gurmadka ee faqashtu oo ay halkaas qabsadeen isaga iyo mujahidiintii kale ee ku shahiiday maalintaasi.

Hub tiro badan ayey xerada ka qabsadeen cadawga xeradiina ka qabsadeen. Waxa maalintaasi ciidan dhabarjabin xoog ahi kaga daba timi iyaga oo aan wali xadka ka talaabin oo aan libintii la hoyan. Waxa maalintaas goobtaa lagu dilay walaalkii ka yaraa oo sabanle ahaa. Waxa beebee la jiidhsiiyey walaalkii Shiine Aw Rabaax Aaadan halka isaga oo ah Caaqil YuusuF Awrabaax janbiga ku dhuftay ee uu geed ku dhex tuuray. Isaga oo noqday qofka soo qaaday dhaawicii iyo dhimashadii 11 Mujaahid oo abwadaaag ahaa oo goobtaa beebeegu ku laayey. Caaqil Yuusuf Awrabaax waxa loo doortay Caaqilka beeshisa 8 sano ka hor isaga oo masuuliyado hogaamineed ka soo qabtay ciidanka bilayska Somaliland ilaa hub-dhigistii. Waxa taliye saladhig bilays ka soo noqday magaaloyinka Allaybaday, Wajaale, Saylac iyo xilsuge xarunta dhexe ee Hargiesa. Muu dhaxlin caaqilnimada ee isaga oo ka maqan ayey beeshiisii isla garatay in uu yahay ninka qudha ee hogaamin kara.

ODAYGA QARANKA

Caaqilku wuxu kaalin nabadeed oo hufan ka soo qaatay xalinta iyo isku haynta umada ee heer walba Waxa xusid mudan caaqilku talaabadii qaranka nabada u hor seeday ee uu ka samoto bixiyey. Sanadkii 2014kii waxa Qurilugud lagu dilay curadkii uu dhalay oo sarkaal kabtan ahaa. Dhame Maxamed Yuusuf Awrabaax (Mase) iyo taliyihii halwgalinta guutada 17aad. Dhacdadan iyo tii Taliye Casayr ee Berberi waxa ay ahaayeen kuwa xanuun badan oo ka tirmi waayey quluubta dadkii la abwadaag ahaa. Caaqil waxa uu dhaqan Nabad jacayl ku talaalay dadkiisii oo wakhtigaas xamaasad xoogani lab-qaaday oo afmiishaaro siyaasiiyiin ahi heleen oo durbaan u tumeen. Waxa uu ka degalamay in ehelka iyo qoyskii geerida qaranku heshay hormood ka noqdaan abaabulkii mudahaaraadadii shacbiga ahaa.

Waxa markhaati ma doon ah sida uu Madaxwayne Siilaanyo ugu mahad sheegtay la shaqayntiisii soo afjaridii khilaafka.Waxu caaqilku ka dhabar-adaygay in uu manfac iyo dhaqaale ku raadsado geerida wiilkiisii. Waxa uu dheg u dhigi waayey sharaf dil iyo borobogaando dadkiisii dhegta loogu ridayey oo la yidhi lacag buu qaatay ilaa beeshiisi la hubeeeyey lakiin waxuu ku guulaystay in aanay dibada u soo bixin fariimihii colaada hurinta ahaa. Waa aabo Geesi nabadeed ah oo heegan ugu jira sii xoojinta dhaqanka Nabad jacaylka ah ee Somalialnd Ku caano maashay oo aaminsan in S/land hore loogu soo dhintay in dib loogu dhiman doono wadajirtka umadan ay Waajib Tahay.

 

 

 

COMMENTS
LINKS