Itoobiya Oo Soo Afjaraysa “shuruucda Tacadiyada Horseeday” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Soo Afjaraysa “shuruucda Tacadiyada Horseeday”
April 16, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (W,N):- Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa ballan qaaday in uu isbadal ku samayn doono sharciyada uu sheegay in ay horseedeen ku tumashada xuquuqda aadanaha dalkaasi.

 

Dr Abiy ayaa ka hadlayay isu soo bax lagu qabtay caasimada halkaasi oo uu ku baaqay in dulqaad la muujiyo iyada oo dowladiisa ay wado isbadalo lagu soo afjarayo dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday oo dalkaasi ka socday ku dhawaad saddex sano.

 

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale balanqaaday in doorashooyiinka dalkaasi ka dhici doona 2020 ay noqon doonaan kuwa u dhaca si xaq iyo xor ah loona ogolaan doono mucaaradka iyo in ay si xor ah ol’olahooda u qabsadaan.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqasho ku tagay qaybo kala duwan oo dalkaasi ka tirsan oo ay ka mid tahay magaalo xudun u ahayd dibadbaxyada iyo goob ay ka qaxeen in ka badan 1 milyan oo qof ka dib isku dhacyo dhexmaray Soomaalida iyo Oromada.

 

Waa mid ka mid ah booqashooyiinkiisii ugu dambeeyay ee is xig-xigay oo uu rayrasul wasaaraha ku marayay labadii todobaad ee ugu dambeeyay guud ahaan gobolada dalkaasi.

 

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa halkaasi oo uu Dr Abiy Axmed uu mar kale ku baaqay in dulqaad la muujiyo isaga oo bilaabaya hirgalinta isbadalo uu sheegay in ay yihiin kuwa lagama maarmaan ah.

 

Isbadaladan ayuu rai’sul wasaaraha sheegay in ay yihiin kuwa lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaadhay ka dib saddex sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo kuwaasi oo horseeday dhimashada boqolaal qof.

 

Dr Abiy Axmed ayaa balanqaaday in isbadal lagu samayn doono sharciyadii horseeday ku tumashada xuquuqda aadnaha dalkaasi Itoobiya isaga oo xusay in uu xaqiijin doono in mucaaradka ay door ka ciyaaraan doorashooyiinka soo socda.

 

Imika mucaaradka wax xubno ah kuma laha baraalamaanka dalkaasi oo ka kooban 500 oo xubnood.

 

Rai’sul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa billaabay dadaalo tan iyo intii xilka loo dhaariyay bishii aanu soo dhaafnay.

 

Waxaa xabsiyada dalka Itoobiya laga siidaayay tira saxafiyiin ah, dad u xidhxidhnaa siyaasadda, waxaana albabaada la isugu dhuftay xabsiyo islamarkana waxaa dib loo soo celiyay khadadka internetka ee taleefoonada gacanta oo muddo bilooyiin ah laga jaray qayba ak mid ah dalkaasi .

 

Balse waxaa wali dalka Itoobiya ka jirta xaaladdii degdega ahayd ee lagu soo rogay taasi oo dadka dhaliilsan ay ku baaqayaan in la qaado

 

COMMENTS
LINKS