Xubno Iska Casilay Gudida Doorashada Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubno Iska Casilay Gudida Doorashada Kenya
April 16, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (W,N):- Gudiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa waxa soo gaadhay weji gabax weyn ka dib markii ay is casileen saddex ka mid ah xubnaha gudigu, kuwaas oo kala ah Consolata Nkatha, Margaret Mwanchanya iyo Paul Kurgat.

 

Is casilaadda xubnahani waxay ku soo beegantay iyada oo agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba, shaqada looga joojiyey eedaymo lagu sheegay musuq dhinaca wax soo iibsashada ah.

 

Roselyn Akombe oo sanadkii hore markii doorashada madaxtooyada lagu celiyey dalka ka baxsatay, ayaa sheegtay in gudidu aanay awood u lahayn in ay qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah.

 

Dhacdani waxay ka dhigaysaa in xubnaha hadhay ee gudiga doorashooyinku aanay qaban karin fadhiyo shaqo maadaama aanu kooramku dhamaystirnayn.

 

Maadaama oo Kenya ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, way adkaan doontaa in si sahal ah loo buuxiyo jagooyinkaa ay iska casileen xubnahaasi.

 

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa doorashadii madaxtooyada ee sannadkii hore burisay iyada oo sheegtay in ay jireen khaladaad sharciga baal marsani.

 

Isbahaysiga mucaaradka ah ayaa isaguna qaaddacay doorashadii ku celiska ahayd isaga oo dalbanayey in marka hore la kala diro guddiga doorashada. Hase yeeshee taasi may dhicin, waxaana doorashadii guul weyn ka soo hooyey madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyada oo mucaarid la sheegi karaa aanu la tartamayn.

 

Doorashadii ka dib, mucaaradku wuxu ku baaqayey in dib loo habeeyo xeerarka doorashada, arintaas oo dawladdu aad uga soo horjeedsatay.

 

Baaqyadaa mucaaradka waxa shiiqiyey Madaxweyne Uhurru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, is gacan qaadkoodii bishii hore ee astaanta u dib u heshiisiin dhacda.

 

Laakiin iscasilaadda xubnahan gudida doorashadu waxa suurto gal ah in ay sii kululayso xiisadda siyaasadeed oo ay dardar hor leh geliso dooddi ahayd in dib u habayn dhanka doorashooyinka ah dalka laga hirgeliyo inta aan la gaadhin doorashooyinka soo socda ee 2022.

COMMENTS
LINKS