Paris Saint Germain Oo Xaqiijisay Hanashada Horyaalka Faransiiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Paris Saint Germain Oo Xaqiijisay Hanashada Horyaalka Faransiiska
April 16, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Dalka Faransiiska ee Paris Saint Germain ayaa xaqiijisay iney ku guuleysatay horyaalka France kadib markii ay Guul mihiima ka gaadhay kooxda kusoo xigta ee As Monaco, ciyaar ka dhacday garoonka Parc des Princess.

 

psg

Unai Emery iyo wiilashiisa ayaan ka walwalin horyaalka oo ay shan kulan ka hadhsan tahay maadaama ay hadda 17-dhibcood ka sareeyaan Monaco oo ah kooxdii hanatay horyaalka 2015/2016.

Giovani Lo Celso iyo Angel Di Maria ayaa min laba jeer shabaqa soo taabtay halka Julian Draxler iyo Cavani ay laba gool kale raacsadeen, goolka kalana waxaa shabaqiisa ku leexiyay Radamel Falcao oo ah hogaamiyaha kooxda Monaco.

Paris Saint Germain ayaa ku dabaal dagtay qolka labiska, Thiago Silva iyo Dani Alves ayaana hogaaminayay ciyaartoyda ku dabaal dagtay qolka, walow ciyaartoyda Monaco ay ku sugnaayeen qolkooda labiska.

 

Kooxda ka dhisan caasimadda markii 7-aad ayey hantay horyaalka dalkeeda, waxeyna dib usoo ceshatay kaalinteedii maadaama xilli ciyaareedkii hore laga dhex galay markii ay u dabaal dagtay kooxda As Monaco.

 

Mbappe ayaa nasiib u yeelanaya inuu laba sano oo xidhiidh ah u dabaal dago hanashada horyaalka League 1 isagoo kula guuleysanaya laba kooxood oo kala duwan.

COMMENTS
LINKS