“Cabdi Qays Halgankiisu Wuu Ka Horeeyay Dadka Waxaanu Ahaa Joogto”. Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cabdi Qays Halgankiisu Wuu Ka Horeeyay Dadka Waxaanu Ahaa Joogto”. Muj Cali Guray.
April 16, 2018 - Written by Editor:

Abwaan Cabdi Qays halgankiisu wuu ka horeeyay daka waxanu ahaa joogto. Riwaayadiisii GAAL IYO ISLAAM GABDHOW YAA KU LEH, waxa ku jirtay hees aan la haysanin sheekadii riwaayadda ee yaabka lahayd. Markii Hargeysa iyo Berbera laga dhigay ayay Burco gaadhay intii aan inqilaabkii 1969ii dhicin een milatarigu dalka qabsanin. Dadka qaarna waxabay yidhaahdaan waa markii uu dhacay inqilaabku marka ay Burco gaadhay.

Heestu markii Hargeysa iyo Berbera laga dhigay waxay ahayd afarta bayd ee heesta hore. Burco habeenkii ay ka dhigi lahaayeen ayaa goor casarnimadii ahayd lagu soo wargeliyay kooxdii hadii aan heestaa laga saarin ma dhigaysaan Riwaayadda. Jiq bay ku noqotay laakiin Cabdiqays markiiba wuu Gartay in lagu fahmay heestiina kamuu saarine xal buu keenay laga ogolaaday. Heesta waxa lagu haystay waxay ka hadlaysaa Waqooyi iyo Koonfur(Somaliland iyo Somaliya) oo weliba waxa hadlaya Somaliland oo keliya waayo heesta waxa qaadayay Axmed Mooge oo keliya oo isagu ahaa Arbaha Riwaayadda. Wuxu ka dhigay markii dambe sedex bayd iyo sedex bayd oo uu ku daray waxanay noqotay hees ay kala ragatan Arbihii iyo Qalanjadii riwaayadda oo iyaduna ahayd Hibo Maxamed. Lakiin Nuxurkii heestu isma bedelin ee weli waa halkiisii laakiin Somaliland markan waxa u jawaabaya Somaliya afka suuqa Somalilandna markii hore waxay ahayd WEGERTII oo keliya markii dambena wuxu ku daray MAANSHA ALLADII. KKKKKKKKKKKKK

ADUUNBAABA GABADH YAHAY 1

Aduunbaaba gabadh yahay

Gedafeeyay timahoo

Gego lagu bulsheeyiyo

Guur u feedhanaayee

Miyuu wiil gayaan ahi

Go’dooy maanta nool yahay

Geeri weeye caydhuye

Sowtan laysay gaajadu

Nimaad garabka saartiyo

Miyuu geesi muuqdaa

Aduubaba geenyooy

Guluf iyo dagaaliyo

Weerar geli karaayoo

Itaal nabar ku gaadhine

Geestayada miyuu faras

Gaashaan-qaadi joogaa

Sowkan caato gaabshee

Hiigsanaaya geediga

Haddii guunyo lala tago

Miyaa logu gurmanayaa

Adigaaba Gorayeey

Guyaadii Shabeelliyo

Naqa goosanaayoo

Gurigaa samaadee

Gubanka iyo Hawdkiyo

Xoolihii geyigu maye

Afarteeda geesood

Miyay hali ka guuxdaa

Wahey guulka oomaa

Miyuu ceelba gaadhaa

 

Adigaa Gorgoor yohaw

Webigii Ganaaniyo

Gal durdura ku yaaloon

Abaaruhu ku gaadhine

Gaboodkii dhulkeeniyo

Miyaad geed ku aragtaa

Gurmo-go’ankii mooyee

Aaway lagama guurii

Galoolkiyo Maraagii

Sowkan gooyay jiilaal

ADUUNBAABA GABADH YAHAY 2

Aduunbaaba gabadh yahay

Gedafeeyay timahoo

Gego lagu bulsheeyiyo

Guur u feedhanaayee

Miyuu wiil gayaan ahi

Go’dooy maanta nool yahay

Geeri weeye caydhuye

Sow tan laysay gaajadu

Nimaad garabka saartiyo

Miyuu geesi muuqdaa

Aduubaaba Gaban yahow

Hurdo dheer gama’aayoo

Geli nabada seexdoon

Gantaal cudur ku gaadhine

Gudoodiga habeenkii

Miyaan guure daayaa

Dhaxanta iyo gawraha

Miyaan guri ka seexdaa

Gaabsaad i leedee

Miyuu guuray caashagu

Aduunbaba geenyooy

Guluf iyo dagaaliyo

Weerar geli karaayoo

Itaal nabar ku gaadhine

Geestayada miyuu faras

Gaashaan-qaadi joogaa

Sowkan caato gaabshee

Hiigsanaaya geediga

Haddii guunyo lala tago

Miyaa lagu gurmanayaa

Aduunbaaba gaban yahay

Warku mid aanu geliniyo

Gasariir i moodoo

Gooni iga dhigaayee

Saw galaba waxa dhaca

Goobjoo uma ahayn

Saw kulama garan karo

Intaan guri xun soo niil

Ubaxiyo mankii go’ay

Sawkan soo gadaal baxay

Adigaaba Gorayeey

Guyaadii Shabeelliyo

Naqa goosanaayoo

Gurigaa samaadee

Gubanka iyo Hawdkiyo

Xoolihii geyigu maye

Afarteeda geesood

Miyay hali ka guuxdaa

Wahey guulka oomaa

Miyuu ceelba gaadhaa

Adduunbaaba gabanyahow

Sabankii la go’ay iyo

Gabadanihi jiilaal

Wali sii gocanayee

Guga iyo mankiisii

Sowkan waqalka soo guray

Sowkan cirirki guuree

Reerkii gadh-qabad helay

Ubaxiyo mankii go’ay

Sawkan soo gadaal baxay

COMMENTS
LINKS