Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Durba Ku Haftay Shaqadii Loo Igmaday Iyo Dareenada Ku Xeeran Jidkii Loo Maray Magacaabistiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Durba Ku Haftay Shaqadii Loo Igmaday Iyo Dareenada Ku Xeeran Jidkii Loo Maray Magacaabistiisa!
April 16, 2018 - Written by Editor:

Ma Leeyahay Waayo Aragnimo Maamul iyo Aqoon Uu Ku Hannan Karo Xillka Culus Ee Loo Magacaabay Xoghayaha Dawlada Hoose Gabiley Mustafe Maxamuud X Cabsiiye?

Waa Sidee Hanaanka Xillgudasho Ee Xoghayaha Dawlada Hoose Degmada Gabiley ?  

GABILEY(W,N) Dadka Arimaha Maamulka dawladaha hoose Aqoonta gaara u leh waxay ku macneeyaan Xillka baaxada leh iyo shaqaduu Qaranka u hayo Xoghayayaasha Dawladaha hoose mid aad u culus oo laf dhabar u ah dhismaha Dawladnimo.Waa mishiinka wareejiya ee xidhiidhiya dawlada dhexe iyo dawladaha hoose,iyadoo dawlada dhexe iyo dawladaha hoose sida Labada indhood iskugu ilmeeyaan oo marka midi Damqato ama Nabar ku dhaco ta kale u ilmayso.

xoghayaha gabiley

Inkastuu,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jsl Maxamed Kaahin Axmed uu Sharciga iyo xeerku siiyay magacaabista Xoghayayaasha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Dalka,waxaa hubaala in uu ku Guuldaraysatay Wasiir Arimaha  Xulista Masuul hannan kara xillka culus ee saaran Xoghayayaasha Dawladaha hoose ee Dagmooyinka dalka ee Dagmada Gabiley ka mid tahay.

Ugu horaynse aynu dull joogsanno:- Xeerka Goboladda Iyo Degmooyinka lab.23/2003_ Dib2 Nov. 2006(MHK/AAK) 23.oo si cad u qeexaya xillka iyo Masuuliyadda Culus ee Xoghayaha Dawlada Hoose.

QODOBKA 44’aad

XILLKA XOGHAYAHA FULINTA.

  1. Xoghayaha Fulinta waa Sarkaalka ugu sarreeya Saraakiisha Maamul fulinta waaxyaha maamulka Degmada,
  2. A) Xidhiidhinta Shaqada waaxyaha iyo qaybinta Awaamiirta Dawliga ah.
  3. B) Hubinta fulinta Go’aamada Golaha iyo Awaamiirta Duqa Degmada
  4. T) Diyaarinta Miisaaniyadda iyo ku dhaqankeeda.
  5. j) Diyaarinta xisaab-xidhka iyo ka warbixinta dhaqaale.
  6. k) Hubinta iyo kormeerka goobaha Cashuur ururinta iyo Dakhliga.
  7. L) Sugidda,dabagalka iyo ilaalinta hantida Dawladda Hoose Degmada.
  8. M) Wuxuu mas’uul ka yahay qabashada waajibaad kasta oo sharci ku fadhiya ama amaradda la faray ee uu siiyey Duqa Degmadu, Xoghayaha Fulintu isaga oo raacaya Xeerkan is maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ama amarada Golaha, wuxuu leeyahay isticmaalka dhamaan Awoodaha fulineed iyo waxqabad ee Xeerkani siiyey.

Iyadoo,Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinku uu Awoodahaa Sharci siiyay Xoghayayaasha dalka,waxaa tann iyo maalintii Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha u soo magacaabay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Mustafe Maxamuud X Cabsiiye waxuu gabi ahaanba jaho wareer ku Yimid habsami u socodkii Shaqo maalmeedka Dawlada hoose Ee Dagmada Gabiley,waxaana Shaqadii laga eryay Shaqaale Todobaatan kor u dhaafay,sidoo kale,waxaa shaqadii laga joojiyay Hayada Golobi oo xarunteedu ahayd Gabiley oo ka shaqaysa kobcinta Maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka Madaxda iyo Bulshada,waxaa ka muuqata hanaankiisa Xillgudasho Waayo Aragnimo la”aan dhanka Maamulka ah,waxaana hubaala in uu ku haftay Masuuliyadda iyo Xillka culus ee loo cumaamaday .

Hadaba,waxaa Bulsho waynta ku dhaqan Gobolka Gabiley Fajaciso iyo Amakaag ku noqotay magacaabista uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Muj Maxamad Kaahin Axmed u soo magacaabay Xoghayaha dawlada hoose ee Dagmada Gabiley Mustafe Maxamuud X Cabsiiye oo ah ganacsade Kaalinta Shidaalka ka iibisa Dawlada hoose ku leh oo hore Macaamil ula lahaa Musuq maasuqa dawlada hoose ee dagmada Gabiley ku caan baxday.

Mar kale,waxaase xusid mudan,in Xoghayaha dawlada hoose ee Dagmada Gabiley Mustafe Maxamuud X Cabsiiye ay Madaxwaynaha laba walaalo ahi kala dhaleen Xoghaye Mustafe Iyo Madaxwayne Biixi Cabdi Xilldiid

,masuulka oo Xubin ka ahaa Gudi Todoba iyo Tobann xubnood ah oo heer Gobol u qaabilsanaa ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye,iyadoo uu noqday xubinta kaliya ee loo   magacaabay mansab uu ka dhigay Mustafe Maxamuud X Cabsiiye .

Ugu dambayn,waxaase iswaydiin mudan,Jidkuu u maray Wasiirka Arimaha Gudaha S/land Maxamad kaahin Axmad magacaabista Xoghayaha dawlada hoose ee Dagmada Gabiley Mustafe Maxamuud X Cabsiiye ? Ma yahay Masuul Lagu Yaqaano Waayo Aragnimo Maamul iyo Aqoon Uu Ku Hannan Karo Xillka Culus Ee Loo Magacaabay? Ma lagu tilmaami karaa Abaalkii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Xildiid uu ugu abaal guday taageerayaashii Gabiley ee Doorashadii Madaxtooyada ku taageeray Abtirsiinta   ? .

Si kastaba ha ahaatee,Bulsho waynta ku dhaqan Gobolka Gabiley ayay arinta lagu magacaabay masuulkani ku abuurtay dareeno kala duwan taasi oo ka marag furay Fartaydii Eedayeey sidii Madaxwayne Muuse Biixi hore u sheegay,waxaana lagu xusi doonaa Siyaasadiisa hogaamineed ee qaraabo kiilka ka Muuqdo . Halka ay durba banaanka usoo baxday xilgudasho la,aanka xoghayuhu,

 

WAJAALENEWS DESK

 

GABILEY OFFICE

 

 

 

COMMENTS
LINKS