Baaq ku socda Madexweyne Muuse Biixi oo ka dhan ah Dooxyadda Dacar-Budhuq iyo Awbarkhadle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baaq ku socda Madexweyne Muuse Biixi oo ka dhan ah Dooxyadda Dacar-Budhuq iyo Awbarkhadle
April 18, 2018 - Written by Reporter:

Madexweynaha jamhuuriyadda Soomaalilaan  waxaan u soo jeedin lahaa lagaga shaqeeyo dooxyadda waaweyn ee Dacar budhuq iyo Awbarkhalde  in Iskaa wax u qabso lagu dhiso Dooxyadda Dacar-Budhuq iyo Awbarkhadle oo in ka badan 28 sanno dadkeennii iyo gaadiidkeenniiba ku dhammaadeen.

 

Iyadoo laga faa’iideysannayo cidkasta iyo Ardayda bilaa camalka ah ee  jaamacadaha dhammeeyay waliba qaybaha Injineerinka iyo Maamulkaba.

 

Haddii xukuumaddani Hawshaa bilawdo waxay noqon doontaa xukuumaddii waxqabadka sidoo kale in iyanna la dhammaystiro Waddadii Ceerigaabo oo halkii laga sii wado.

78% dhallinteennu waa bilaa shaqo waxa kaliya oo aynu u baahan nahay jihayn ah in waxna la dhisto waxna la beerto.

Waxa tusaale kuugu filan sidii Dekaddii Boosaaso dadkeeddii u sammeysteen.

Innaguna wax badan baynu qabsan karnaa haddaynu helno jihayn iyo cid mustaqbal waddan, dad iyo dawladba rabta.

 

Rakad Mxd Sultan

Farxaanmxd@gmail.com

COMMENTS
LINKS