Madaxweynaha JSL Oo Qaabiley Safiirka Swedan U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Qaabiley Safiirka Swedan U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya
April 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey safiirka dalka Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador. Andreas von Uexküll.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, laysagana kaashan lahaa arrimaha la xidhiidha dimu-quraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee horraanta sanadka 2019ka, dalka lagu wado in ay ka qabsoomaan, sidoo kalena waxa laga wada hadlay mashaariicaha dalka Sweden ka taageero Somaliland, oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan iyagoo marka horeba ahaa dalka saddexaad ee gacanta ka geysta arrimaha gargaarka binu-aadanimo, imikana ay halkii ka sii wadayaan iyagoo kor u qaadi doona kaalmadaasi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS