Xukuumada Somaliland Oo filayo In Ay Jawaab Adag ka Bixiso Hadalkii Kasoo Yeedhay Dawlada Emaraadka Iyo Saamaynta Heshiiska Dekeda Berbera, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo filayo In Ay Jawaab Adag ka Bixiso Hadalkii Kasoo Yeedhay Dawlada Emaraadka Iyo Saamaynta Heshiiska Dekeda Berbera,
April 18, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Dawlada Emaraadka Carabka ayaa shaacisay Mawqifkeeda Dhabta ah Ee Somaliland  Iyadoo bayaamisay in heshiiska dekeda berbera uu kuyimid Isfahan dhexmaray somaliya ayna   sexeexiisa lahayd   maamulka somaliya isla markaana ay aaminsan tahay midnimada somaliya.

Sidoo kale xukuumada Somaliland ayaan iyadu marnaba soo Bandhigin Heshiiska rasmiga ah ee dekeda berbera Wallow uu dhawr jeer wasiirka arimaha dibadu sheegay in aanay somaliya qayb ka ahayn heshiiskan waxaana xusid mudan  in ay arimaha khuseeya heshiiska  ay hadhaysay mad madow faro badan oo dhaliyay shaki,

sacad1

Arintan kasoo yeedhay dawlada Emaraadka carabka ayaa  dhabar jab siyaasadeed ku noqonaysa Somaliland marka loo eego xaalada xiligan ka jirta geeska iyo khilaafka ka dheexeyay Emaraadka Iyo somaliya oo maalmihii udanbeeyay  Gaadhay in ay ka baxaan joojiyaana  dhamaan goobihii ay gacanta ku haysay, hadaba dhawaaqan kasoo yeedhay wasiirul dawlaha Wasarada arimaha dibada ee Emaaraadka ayaa  umuuqda mid ay  dawlada emaraadka eegayso dano ay ka leedahay maamulka somaliya oo ku kalifay in ay gabi ahaanba badasho Mawqifkii

Dhinaca kale   madaxda Somaliland ayaa shacabka usheegay in ay arimo badan isla garteen madaxda emaaraadka kuwaasi waxba kama jiraan ay ka dhigayso hadalka hada kasoo baxay,

Muuse-Biixi

Dhawaaqa kasoo yeedhay  dawlada emaaraad ayaa la filaya in xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay jawaab adag ka bixiso taasi oo ay shacabka reer Somaliland dhagahoodu sugayaan mawqifka rasmiga ee dawlada  Somaliland ka qaadato hadalkan kasoo yeedhay Wasiirul Dawlaha arimaha dibada ee Emaraadka Carabta,

Waxaana faliyanaa in ay xukuumada saacadaha soo socda jawaab ka bixin doonto iyadoo  soo bandhigi doonto heshiiska dekeda berbera si wax looga ogaado cida ku sexeexan

Sikastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland ayaa hadii ay soo bandhigi waydo heshiiska dekeda iyo mawqifka ay ka taagan tahay arimaha soo kordhay  ayaa waxay xukuuada madaxwayne muuse biixi ku keeni kartaa mucaaridad xoogan oo ay shacabku kala horyimaadaan iyo waliba in gabi ahaanba ay bulshadu ka Aamin baxdo Xukuumada ,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS