“Wasiirka Sacad Muxuu ku Jawaabay Ee Uu la Ashkato Tagayaa? Yuusuf Cabdi Gaboobe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wasiirka Sacad Muxuu ku Jawaabay Ee Uu la Ashkato Tagayaa? Yuusuf Cabdi Gaboobe
April 21, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Muj Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka Dareen celiyay hadalkii kasoo yeedhay Wasiirul Dawlaha Emaaraadka Carabta taasi oo Qoraal uu ku Baahiyay barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada ee Facebookga Uu ku Sheegay in laga Bixiyay Turjumaad Khaldan oo ay Samaysay Idaacada BBCda.

yuusuf goobe iyo sacad cali shire

Sidoo kale Muj Yuusuf  ayaa wasiirka Arimaha dibada ku Dhaliilay waxa uu ku Ashkato kagayo Iyo kala Duwanaanshaha Hadalka Masuulka Emaaraadka Wuxuna Udhignaa Qoraalka uu Arimahaasi kaga Hadlayay Sidan;

“Wasiirka Sacad Muxuu ku Jaawabay Ee uu la Ashkato Tagayaa? Wasiirka Imaaraatiga ahi markaad hadalkiisa Afka Carabiga ku dhagaysato marnaba ma odhanayo heshiiska dekadda waxaanu wadagalnay ama wax ka saxeexday Somalia.

Nuxurka Hadalkiisu wuxu ahaa oo uu sheegay inuu jiray isfaham(understanding) ka abuurmay kulamadii madaxda Somaliland iyo Somalia ku yeesheen Abu-Dhabi iyo Dubai Ee ay Iyaga laftoodu Martigalintooda Iyo fududayntooda lahaayeen In wixii kaalmo Aadaminimo Iyo Horumarin ah Somaliland loo qabto.

Kolkaa Sacad Ma Turjumaaddii Catoosh Ee khaldaneyd Ayuu Sidii Cabdiraxmaan Cirro Macsharka la Tagayaa?

Ayuu Yidhi

MUJ; Yuusuf Cabdi Gaboobe

COMMENTS
LINKS