Doorashada Ka Hor Aragtiyihii Aan ka Qabay Madaxweyne Biixi Maxaa Iska Beddelay? Xaalku se Hadda Waa Sidee? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashada Ka Hor Aragtiyihii Aan ka Qabay Madaxweyne Biixi Maxaa Iska Beddelay? Xaalku se Hadda Waa Sidee?
April 21, 2018 - Written by Editor:

Qoraalka aan halkan ku wadaagi doonaa wuxu iskugu jiraa aragtiyo aan ka qabay Madaxweyne Biixi doorashada ka hor oo hadda wax badan iska beddeleen. Kuwaas oo aan qoraal ka sameeyay goortanna ay ila qummanaatay in dib u eegis ku sameeyo “Oddoraskaygii Muuse Biixi Madaxweyne ah” halkaana ku kala saaro qodobbadii aan il-duufkay iyo kuwii aan asiibay. Intaa kaddibna xaalka dawladnimo ee maanta ayaan ereyo ka odhan doonaa.

In muddo ah oo aan ka mid ahaa dadka arrimaha siyaasadda xiiseeya ee wararka iyo dhacdooyinka siyaasiga ah xog-ogaal u noqoshadooda isku hawla, mararka qaar na ardaayada siyaasadda ay ku lafo-guraan dadka aan ehelka u ahayn fadhiista. Xilliyo kale fagaarayaasha aqoon-yahanku siyaasadda kaga doodaan xaadira, wakhtiyada qaar na u-dhabba-gala aragtiinka siyaasiddeed ee ganacsatada, bahda saxaafadda, bahda garsoorka iyo dhallinyarta heer jaamacaddeed dhammaantoodna qolo ba wakhti la qaata. Siyaasiyiinta waddanka laftooda mucaarid iyo muxaafid ba in muunad noqota kala kulmay, isla markaa masanuunin kara qaab fekerkooda cabbirina kara masaafada ay wax ka arki karaan. Oddoraskaygaasi wuxu ka dhashay wakhtigaygii qaaliga ahaa ee siyaasadda warkeeda aan geliyay. Haddii aan ku horreeyo wax yaabihii aan il-duufay waxa ka mid ahaa;

1.01. Waxa aan rumaysnaa in uu guulo ka gaadhi doono Diblamaasiyad Dhaqameedka “Traditional diplomacy” Mashaakilaadka siyaasiga ah ee ummaddeed na waxa aan filayay in mar kasta uu hab dhaqan xalkooda u baadi-goobi doono. Imikana waxa innoo soo baxday in hab dhaqan iyo hab siyaaseed labada ba uu ugu guul-darraystay xal u helista kala irdhowga quluubta beelaha Somaliland wada dega ee bukaankoodu ka bilaabmay xanaftii doorashada.

1.02. Waxa aan qabay in uu hannaanka saami-qaybsiga kuraasta ee Somaliland uu dib u eegis iyo wax ka beddel ku sameyn doono. Reeraha aan filayay in uu dalacsiin doono waxa ka mid ahaa CIise oo aan saami u qalma ka helin Somaliland. Harti oo iyagana markhaati uun ka ahaa dawladnimada in uu ka farxin doono waan sugayay. Waxa kale oo Iyana dhallaan-habaabis iga noqotay rejadii ahayd in uu jilibkiisa (Subeer-awal) oo dowladnimadu markasta u sed-buriso uu yidhaa ummadda la mid noqda. Taasi oo hadda maraysa KA DARTAYE MA DIBI BAA?!

1.03. Il-duufyadii aan samayay waxa ugu weynaa in aan ku male-weynaa in uu “Aqoonta ka faa’iidaysan doono,” oo dad aqoon leh uu taladooda budh-dhig uga dhigi doono go’aannada hoggaamineed ee Qaranka. Adeegsiga aqoonta iyo xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa u quus gooyay hannaankii loo maray go’aannadii la dagaallanka QIIMA BARARKA.

1.04. Waxa aan qiyaasayay in uu M. Biixi u fikiri doono, heer gobol “Geeska Afrika” hasa yeeshee, goor aan sidaa u durugsanayn ayaan gar-waaqsaday in uu halkii aan ku waday hoos uga dhacay.     Intaasi waxa aan ku dhaafayaa labaatan iyo afartii qodob ee oddoraskaygii kuwii aan ka il-duufay.

Haddii intaasi aan ku koobay kuwii aan il-duufay, bal aan xagga dambe ka raaciyo kuwii aan asiibay ee maraggooda wakhtigu ii furay. Waxa aan ka soo qaadan karnaa kuwan;

  1. Qabyaaladdu in ay sii kobocdo waan filayay maraggeedana waan helay.
  2. Dad badan oo abaal u galay, haddii uu kursiga ku guulaysto jidhka madaxtoonyada in ay ku kala weecan doonaan waan sii sheegay.Way wanaagsanaan lahayd iyaga oo aayar uun ay kala weecdeene waxa uu M. Biixi u raaciyay in ay FARTOODA EEDEEN.

III. Qaab hadalkiisa kakani wuxu keeni doonaa in ay sannadaha hore kooxo badan iska hor yimaaddaan. Halkan kuma tixi karo inta erey ee qalafsan ee la qoonsaday ee ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi muddadii koobnayd ee uu gadhwadeenka Qaranka ahaa.

  1. Xilligii ololaha markii aan arkay dadkii ku xeer naa halkaas waxa aan ka saadaaliyay in dad wanaagsan oo isaga iyo ummadda wanaag ka dhex dhaliyaa aanay ku xeerraan doonin.
  2. Shirkadaha ganacsi ee Magacyada qabiilka huwan, hab-qabiil iyo hab nidaam ganacsi mid uun buu kala dhaqmi doonaa, oo way ka soo dhaqaaqi doonaan candhada dhexe ee hadda ay taagan yihiin. Qodobkaa maraggiisa waxa ii furay go’aannadii Madaxweyne Biixi ee qiimeynta Shilinka Somaliland ee lagu hakiyay Zaadka shirkadda TELESOM waxa ay dabada gelisay GARXAJIS.
  3. In xorriyadda hadalku god madow ku dhacdo saxaafaddana xakame bir ah afka loo gelin doonaa waxa ay ka mid ahayd qodobbadii aan asiibay. Sawirkaasina hadda waa ili-qabatey.

Intaana aan ku dhaafno qaar ka mid ah qodobbadii oddoraskaygu ku guulaystay, haatanna gun-gaadhkii qoraalkaygii iyo aragtiinkayga xaalka siyaasadeed ee maanta.

  1. Guud ahaan saraakiisha sarsare ee xukuumadda madaxweyne Biixi, gaar ahaanna golaha wasiirrada aad iyo aad ayay ugu yar yihiin madaxda hadli karta ee awoodda u leh in ay shacabka la hadlaan oo u bushaareeyaan ama dhiiri-geliyaan. In badanna hal-doorka Somaliland iyo aqoon yahanku wuxu is weydiinayay sababta xukuumaddu dadka ula hadli la’dahay. Gaar ahaan, marka ay arrin weyn oo cusub ama mashruuc waddanka ka hir-gelayaa ay arrintu taagan tahay? agnaannimada xukumaddeed marar badan ayay jaho-wareer shacab keentay wararka gambada dumarka ee suuqa dhex mushaaxa ayaa waddanka xog u ahaa, saraakiisha sarsare ee dawladduna waxa ay ka mid ahaayeen ama warku isku mar soo gaadhayay maxasta shacabka. Halkaana sawirka ka muuqanayaa waa in aanay fahansanayn ahmiyadda siyaasiga ah ee xog-ogaalnimada. Halkaa haddii aan soo dhoweeyo waxa waddanka haysata xukuumad aan shacabka ka war badnayn.

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

LA SOCO …

 

COMMENTS
LINKS