War Deg Deg Ah: Is Rasaasay Xooga Oo ka socota Duleedka Xarunta Boqortooyadda Sacuudiga Iyo Xaalada Magaalada Riyaad, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Is Rasaasay Xooga Oo ka socota Duleedka Xarunta Boqortooyadda Sacuudiga Iyo Xaalada Magaalada Riyaad,
April 21, 2018 - Written by Editor:

Ciidamada Amaanka ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa caawa dhulka soo dhigay dyaarad Drone ah Magaaladda Riyad.

HARGAYSA(W,N) warkan oo lagu baahiyay wakaalada Wararka ee wadanka  Sacuudiga ayaa intaasi ku daraysa in raaas nool la isku waydaarsanayo meel wax yar u jirta qasriga Boqortooyadda Waddankaasi.

breaking_news_1_

saraal sare oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa  cadeeyay in Qasriga La damacsanaa in la wareero uu ka Maqnaa Boqor Salmaan isag aoo wakhtigaasi u sugnaa beertiisa ku taala Diriya

;Magaaladda Riyad oo ay ku taalo qasriga loo arrimiyo wadanka Sacuudigu ayaa waxa ay si weyn looga maqlayaa rasaas iyada Diyaarada Droneka ah ee la damacsanaa in lagu jabiyo afaafka hore ee qasriga, Hasayeeshee ay ciidamadu dulka sood higeen.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyay hub culus oo la isku waydaarsanayo meel wax yar u jirta qasriga Boqortooyada sacuudiga.

Arinta ayaa u muuqata afganbi la damacsan yahay in lagu dhaxal wareejiyo Boqortooyadd wadankaasi oo ah mid ku timaada habka dhaxalka ah.

Margherita Stancati oo ah wariye ka hawl galka Dalka Sacuudi Arabiya ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitterka ku sheegay in aanay arrintu ahayn Afganbe laakiin Diyaarad Drone ah oo nooca yaryar ah dhulka la soo dhigay markii laga shakiyay isla markaana ay ku soo dhawaatay Qasriga.

COMMENTS
LINKS