“Mudadii Aan Xilka Hayay Majirin Heshiis Militari Iyo Mid Ganacsi Oo Aan La Galnay Imaaraadka”..Cumar C/rashiid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mudadii Aan Xilka Hayay Majirin Heshiis Militari Iyo Mid Ganacsi Oo Aan La Galnay Imaaraadka”..Cumar C/rashiid
April 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xidhiidha Dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.

2018422636599543394350388Cumar-C.rashiid-9w

 

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in uusan jirin muddadii uu xilka hayay heshiis Militari iyo mid ganacsi oo dhaxmaray iyaga iyo Imaaraadka Carabta.

 

‘’Waxaan idin cadeynayaa labadii sano ee aan dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ma jirin wax heshiis Militari ama ganacsi ah oo na dhaxmaray Imaaaraadka, gaar ahaan hadii ay ahaan lahaayeen arrimaha Dekeddaha sida Berbera ama Boosaaso’’ ayuu yidhi Cumar C/rashiid.

 

Laakiin wuxuu sheegay in uusan ka warqabin ama ka hadli karin xukuumadihii isaga ka horeeyay, laakiin arinta ka hadlayaa tahay oo kaliya labadii sano uu dalka ra’iisal wasaaraha ka ahaa ama xukuumadiisu jirtay.

 

‘’Kuwii iga horeeyay uma hadli karo, waxaa ka hadli kara mas’uuliyiintii wakhtigaa joogay, laakiin Labadii sano ee aan mas’uuliyada hayay wax heshiis ah oo aan la galnay Imaaaraadka ma jirin’’ ayuu yidhi Cumar C/rashiid.

 

Hadalka ka soo yeedhay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa imanaya xili dhawaan wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka uu sheegay in heshiiska Dekedda Berbera ay la galleen dowladdihi hore, inkastoo Aanu cadeyn gaar ahaan cida heshiiskaa uga mas’uulka aheyd dowladii hore ee Soomaaliya.

COMMENTS
LINKS