Diyaarad Lagu Soo Riday Xaafada Qasriyada Boqortooyada Sucuudiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Lagu Soo Riday Xaafada Qasriyada Boqortooyada Sucuudiga
April 22, 2018 - Written by Reporter:

Riyaad (W,N):- Warbaahinta dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyada Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada ee magaalo madaxda Riyaad.

breaking_news_1_

 

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xigatay af-hayeenka booliska Riyaad ayaa sheegtay in uu yidhi “abaaro todobadii fiidnimo habeenkii Sabtida ayaa ciidanka nabad gelyadu ee xaafadda Al-Khisaami ee magaalada Riyaad waxay ka war heleen diyaarad yar oon duuliye lahayn oo ah nooca madadaalada loo kiciyo.”

 

Af-hayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidanka nabadgeladu qaadeen “talaabadii haboonayd ee amrka lagu siiyey” taas oo ahayd in ay soo ridaan diyaaraddaa yar.

 

Hadalkan af-hayeenku wuxu soo baxay iyadoo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka lagu faafiyey warar aan la hubin oo ahaa in tacshiirad ba’an oo la is dhaafsanayaa ka socoto goobtaa ay ku yaallaan qasriyada boqortooyadu.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in masuul ay xog ka heshay u sheegay in aan Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis markii arintaasi dhacaysay aanu joogin qasrigiisa Riyaad. Waxaanu masuulkaasi intaa ku daray in uu boqorku ku maqnaa oo uu joogay beer uu ku leeyahay gobolka Al-Darciyah.

 

Saraakiisha Sucuudigu waxay beeniyeen in ay arrintaasi ahayd mid halis ku noqotay nabadgelyada boqortooyada, waxaanay sheegeen in laamaha ku shaqada lihi bilaabeen baadhitaan ay kaga gun gaadhayaan arrintan.

 

Bilihii u dambeeyey waxa aad loo adkeeyey nabad gelyada xaafadda ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada, tan iyo markii uu bilaabay dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan isbedellada ballaadhan ee dhaqaale iyo bulsho ee dalka loogu diyaarinayo in uu kaga guuro ku tiirsanaanta shidaalka, taas oo dadka siyaasadda Sucuudiga lafa guraa ku sheegeen in ay ka cadhaysiisyay wadaadada diinta ee xag jirka ah ee boqortooyada.

 

Bishii Oktoobar ee kal hore ayaa nin dabley ahi dilay laba askari oo ka tirsan ilaalada boqortoooyada saddex kalena ku dhaawacay qasri boqortooyadu ku leedahay magaalada Jiddah hortiisa.

 

Waxaana markii dambe wasaaradda arimaha gudaha Sucuudigu sheegtay in ninkaa ilaalada laayey oo isna ay dileen ilaaladii kale ee qasrigaasi, ahaa muwaadin u dhashay Sucuudiga oo da’adiisu ahayd 28 jir.

COMMENTS
LINKS