Magaalada Berbera Oo Laga Furay Maktabadii Ugu Horraysay Ee Ay Yeelato Mudo Dheer | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Berbera Oo Laga Furay Maktabadii Ugu Horraysay Ee Ay Yeelato Mudo Dheer
April 22, 2018 - Written by Reporter:

Berbera (W,N):- Magaalada Berbera ayaa waxa saaka lagu qabtay xaflad weyn oo si rasmi ah loogu furay maktabadii ugu horeysay ee ay yeelato magaaladan dekedda ah ee istiraatiijiga ahi.

Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Ciddin, ayaa sheegay in maktabadaa ay yaallaan shan iyo toban kun oo kitaab oo culuum kala duwan ka kooban.

Maktabadan waxaa loogu talo galay ardayda dugsiyada, jaamicadaha iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladuba in ay ka faa’iidaystaan, waxaana dhismaheeda inta ugu badan maal gelisay dawladda hoose ee Berbera iyadoo ay jiraan sharikado kale iyo xarumo ka qayb qaatay oo sharikada Dahabshiil ka mid tahay sida laga sheegay munaasabada lagu furayey maktabadda.

Waxay ahayd munaasabad ay dadkii ka qayb galay aad u faraxsanaayeen oo dareemayeen inay magaalada Berbera oo beryo ardaydu kuleylka awgii ugu hayaami jireen magaalooyinka kale ay haatan adeegyadii loo baahnaa u soo korayaan.

Xafladda waxaa ka qayb galay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiir ku xigeenka waxbarashada, Cabdilqaadir Dhegaweyne iyo wasiirka diinta iyo awqaafta.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo xafladda ka hadlay ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka magaalada Berbera in ay u hagarbaxaan daryeelka maktabadda, isagoo dhankiisna ballan qaaday in ay maamul ahaan heegan u ahaanayaan ilaalinta iyo daryeelka maktabadda oo ah buu yidhi adeeg kobcinaya garaadka iyo aqoonta dadka.

 

 

Capture ber ber2

COMMENTS
LINKS