Dood dhexmartay Qoraa iyo Qabyaalad. W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dood dhexmartay Qoraa iyo Qabyaalad. W/Q: Cali Cabdi Coomay
April 22, 2018 - Written by Reporter:

Qaran baan qal-qaloociyaa, qaabkii dhismahaan qaldaa, dadkaan kala qaybiyaa, u kala qeydaa qabiil, qoortay iska wada jaraan, qoys-qoy

coomay2(8)nnnnnnnnnnnn

Qoraa ayaa fahmi waayey habka iyo hadafka ay qabyaaladu u shaqayso, ka dib wuxuu Ilaahay ka baryey inuu tuso waxa ay tahay qabyaaladu. Nasiib wanaag Ilaahay wuu ka aqbalay ducadii, oo xilli saqdhexe ah iyada oo lagu jiro ayey qabyaaladdii oo lebisani u timid, waxaana dhexmartay dood dheer oo sidan u dhacday. Waxa hadalka ku horeeyey qoraagga.

= Qoraaga: anigu waxa aan ahay qoraa, qisiyo sheekaan rabaa, inaan adi kaa qoree, Qabyaaladey maxaad qarankan u tahay?

 

= Qabyaaladii: qoraa waxaad tahay war-moog, qorshahaan wax u maamuliyo, habkaan qarankan u hago, aan kuu qaadaa dhigee, qaybaha heestan la soco.

 

Qabyaaladii oo is-sharaxaysa

 

 

 

justify;”> = Sun baan ahay qooshanoo, qaab iyo aan qiil lahayn, qaynuun waxa dunida jira, meelnaba aan kaga qornayn, qofkaan qasdigeyga garan, khiyaalaan ku ambiyaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Hoggaan quman baan qaldaa, khuraafaad u akhriyaa, qaraabiyo eex baraa, laaluush qaadaan I dhaa, qardheer baan ka sii ridaa, qoomaamiyo ceeb buu dhaxlaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Qaran baan qal-qaloociyaa, qaabkii dhismahaan qaldaa, dadkaan kala qaybiyaa, u kala qeydaa qabiil, qoortay iska wada jaraan, qoys-qoys u kala qaxaan, qobbiyo qorrax baan dhigaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Qaar ladan baan qulbaa, quluubtoodaan rogaa, samaantaan ka qufulaa, qab iyo quudhsaan baraa, khaatumadaan seejiyaa, qoomamaan ku quusiyaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Aramida waan soo qufaa, qaylodhaan baan abaabulaa, dad qiiraysan baan diraa, hubkaan qarxiyaay I dhaa, rag qiime leh baan dilaa, qaankiyo geelaan dhacaa, qeyd dhiig leh baan sitaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= qulubtaydu waa madow, belaa qalbigaygaa taal, qofkii khayr wadaan dilaa, wixii qurux loo arkaba far baan ku qaloociyaa, markay qulubtaan qoslaa, khasaaruhu waa ii wax-qabad, khayraad badan gubaa, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Dhismaha qoys baan dumshaa, guurkan qalalaasiyaa, laba aroos quruxsataan, isuma qalantiin I dhaa, adoo reer qudhac nasaba, kani waa reer qansax fulaan, labadiina qolaan is geyin, qalanjiyo arbihii is-qabay, qar iyo buur kala degaan, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Qardoofada laba qabiil, hoos baan wax u qaybiyaa, qabsoo qoonkaan qatalay, khilaaf cusub baan gashaa, qolof basal laga fujiyey, sideedaan u kala qubtaa, qarad iyo qorshe sugan ma lihi, qiyaastaan ku joogsadaa, waa kala qaad laba bahood, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Anigu qaranimaan necbahay, arrimo qoys baan wadaa, qorshaha beel baan hayaa, ninkii ragihi wuu  I qabtaa, nacasna wuu igu qancaa, col baan qaban-qaabiyaa, dab baan ku qabtaa batrool, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaas.

 

= Qubuuraha waa badshaa, midnimadu waa ii qadhaadh, qumaatigu waa ii qallooc, qabkey waa fool xumo, adeegay waa qas wade, colaad baan qaayibaa, qaataha qorigaan jeclahay, qabyaalad baa la I yidhaa, oo qaynuunkeygu waa sidaasi.

 

Cali Cabdi Coomay

 

Suxufi, qoraa ah.

 

Hargaysa, Soomaalilaan

 

Calicoomay@hotmail.com

 

Tixraa: Qoraaga qisadan ka warramay waa C/qaadir Aroma AHN, oo ku qoray buugiisa SABABIHII BURBURKA SOOMAALIYA.

COMMENTS
LINKS