Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Kulan Qado Sharaf Ah Usameeyay Siyaasiyiinta, Waxgaradka Xisbiga Ee Gobolada Maroodi Jeex Iyo Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Kulan Qado Sharaf Ah Usameeyay Siyaasiyiinta, Waxgaradka Xisbiga Ee Gobolada Maroodi Jeex Iyo Gabiley.
April 22, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Oo Ay Weheliyan Xubno Kamida Hogaanka xisbiga, Gudida fulinta iyo siyaasiyiin kale Oo Xisbiga Miisaan Culus Ku Leh ayaa Maanta Kulan Qado Sharaf ah Usameeyay Siyaasiyiinta ,Aqoonyahanka, iyo  Haldoorka Xisbiga Wadani Ee kasoo jeeda Gobolada Maroodi Jeex Iyo Gabiley.

ODAYAAL 2

Kulan Oo saxaafadu Dibad joog ka Ahayd kana Qabsoomay Huteelka Laalays Ee Magaalada Hargaysa ayaa sida Xogaha Aanu ka Helayno ayaa  Tibaaxay in Ujeedadiisu Ahayd Sidii Gudoomiyaha Xisbigu  Uu Waxbixin Uga Siin lahaa doorashadii kadib wixii xisbiga Uqabsoomay isla markaana Looga wada Tashan lahaa Hawlaha lagu Dar dar Galinayo Shaqada xisbiga oo Mudooyinkii Udanbaysay Ay Socdeen Hawlaheedu Iyo Qodobo kale oo muhiim ah,

Sidoo kale kulan ayaa  lagu kala qaaday xog waran ku saabsan Go,aankii xisbigu ka qaatay Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Mawqifka xisbiga ee ku Aadan Mad madowga kasoo Baxay Heshiishkii xukuumada kulmiye la Gashay shirkada Dp World .

ODAYAAL 3

Ugu horayna waxaa arimaasi ka Warbixiyay Gudoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid.Prof Ismaaciil Hure Buubaa,Sabca iyo xubno kale oo xogogaal u ah habsami usococdka hawlaha xisbiga,

ODAYAAL 4

Dhanka kale Casuumada Uu Gudoomiye cirro Ufidiyay Siyaasiyiinta Xisbiga ee Gobolada gabiley iyo Maroodi jeex ka dareen celiyay ,

Waxaana ugu horay gudoomiyaha xisbiga xisbiga wadani uga mahad celiyay casuumad sharafta uu ufidiyay haldoorka xisbiga Ee gobolada maroodi jeex iiyo gabiley sheekhul axmar Rashiid Jaamac Dhari oo qayb laxaadle ku lahaa sidii uu kulan kani u qabsoomi lahaa.

Goob tan oo ahayd mid jawi degan ku bilaabantay isla markaana dood dheer laga yeeshay hawlaha xisbiga horyaala ayaa Waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay, xubnahan hoos ku qoran,

syaasiyiin 2

Siyaasi Abiib Diiriye Nuur, Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaciil Yare), Xildhibaan Bashiir Tukaale,  Aadan Suldaan , Muj farxaan faacuul, Oday Cabdi Gaydh Iyo Xubno kale Oo Madasha ku sugnaa,’

Siyaasiyiin 1

Kulankan  ayaa kusoo beegmaya Xili Xukuumada Kulmiye iyo Qaarkamdia Ganacsatada Somaliland  ay Daba ka ka riixayaan sidii Gudaha xisbig Wadani looga Hurin lahaa Khilaaf iyaga oo food saare ka dhiganaya Masuuliyiin gudida fulinta Ee xisbigu ku Qaadan xeerka Xisbiga taasi oo Sobobtay in ay Gabi ahaanba  wayaan xilalkii ay xisbiga ka hayeen,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS