Chelsea Oo U Soo Baxday Finalka FA Cupka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Chelsea Oo U Soo Baxday Finalka FA Cupka
April 22, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Chelsea ayaa u soo baxday finalka FA Cupka kadib markii ay 2-0 kaga badaisay kooxda Southampton oo ay Wembley Stadium ku kulmeen.

Chelsea-2-880x352

Chelsea ayaa guushan ku gaadhay laba gool oo ay qaybtii danbe ee kulankan dhaliyeen Olivier  Giroud iyo Alvaro Morata kuwaas oo jabiyay iska caabintii kooxda Southampton ee qaybtii hore ee kulankan , waxayna guusha ay Blues gaadhay keenaysaa in colaadii Antonio Conte iyo Jose Mourinho ay markale halkeeda ka sii socon doonto.

Manchester United iyo Chelsea ayaa doonaya in xili ciyaareedkooda ay ku badbaadsadaan ku guulaysiga FA Cupka gaar ahaan markii ay seegeen in ay sii wataan UEFA Champions League isla markaana ay Man City ku guulaysatay koobka Premier league.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Southampton ee kulanii ay Blues ugu soo baxday finalka FA Cupka.

Xidigii Garoonka: Eden Hazard ayaa noqday xidigii garoonka ee dhiiro galinta wayn siiyay kooxdiisa Chelsea inkasta oo uu dhawaan qirtay in aanu labadii bilood ee ugu danbeeyay ku soo jirin xaalad fiican balse xidiga ree Belgium ayaa dib ula soo baxay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa si uu Blues ugu dhiiri galiyo finalka FA Cupka.

Laakiin Giroud ayaa sidoo kale helay qiimayn sare halka dhamaan ciyaartoyda Chelsea ay heleen qiimayn u qalanta bandhigii ay sameeyeen ee ay ugu soo baxeen finalka FA Cupka.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD

Chelsea: Caballero (7), Azpilicueta (7), Cahill (7), Rudiger (7), Moses (7), Kante (7), Fabregas (7), Emerson (7), Willian (6), Giroud (8), Hazard (8)

Subs: Bakayoko (5), Morata (6), Pedro (5)

Southampton: McCarthy (6), Soares (6), Hoedt (5), Yoshida (6), Bednarek (5), Bertrand (6), Romeu (5), Hojbjerg (5), Lemina (6), Austin (5), Long (4)

Subs: Tadic (5), Redmond (5), Gabbiadini (5)

 

 

COMMENTS
LINKS