Kooxaha Liverpool Iyo As Roma Oo Caawa Ciyaar Xiiso Badani Dhexmari Doonto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxaha Liverpool Iyo As Roma Oo Caawa Ciyaar Xiiso Badani Dhexmari Doonto
April 24, 2018 - Written by Reporter:

Liverpool ayaa caawa Anfield kusoo dhaweyn doonta Kooxda Reer Talyaani ee Roma, iyadoo xidiga reer Masar Mohamed Salah uu soo xaadiri doono ciyaarta isagoo heystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League.

 

Liverpool-vs-AS-Roma-

Salah wuxuu wajahi doonaa kooxdisii hore, balse Eusebio Di Francesco wuxuu qiray inuusan diyaarin wax qorshe ah oo ay u diyaariyeen Salah kaas oo ah halista ugu badan ee ka imaan karta kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Labadaan kooxood waxey mid walba isha ku heysaa sidii ay ku gaadhi laheyd magaalada Kiev oo martigalin doonta final-ka tartanka.

Warbixita Kulanka:

Kulanka: Liverpool vs As Roma

Tartanka: Champions League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Felix Brych (Germany)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Jordan Henderson oo ganaax ku seegay kulankii lugta labaad ee Manchester City ayaa diyaar ah inuu caawa kooxdiisa saacido, waxaana la fiayaa inuu dhexda la wadaago James Milner iyo Chamberlain.

Arnold iyo Robertson ayaa la nasiyay kulankii horyaalka sidaas darteed caawa ayey dib ugu soo laaban karaan safka hore.

Lallana, Matip iyo Can ayaan ciyaari karin kuwaas oo dhaawacyo qaba halka Klopp uu weerarkiisa u dooran doono Mane, Salah & Firmino.

Di Francesco waa mid diyaar u ah inuu adkeeyo khadka dhexe, Florenzi iyo Kolarov oo lagu daray Nainggolan, Strootman iyo De Rossi ayuu dhexda dhigi doonaa – taasoo si weyn u iftiimineya iney dhexda kaga xoogan yahiin dhigooda.

Shaxda Macquulka Ah:

Liverpool:

Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Chamberlain, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mané

As Roma:

Alisson Becker; Florenzi, Manolas, Fazio, Kolarov; De Rossi, Strootman, Nainggolan; Perotti, Džeko, Ünder

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Labadaan kooxood markii isugu dambeysay waxey ku kulmeen Champions League 2001-2002, wareega labaad ee group-yada. Sanadkaas waxaa ku group ahaa Barcelona iyo Galatasaray.

Kulanka hore wuxuu ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah ciyaartii ka dhacday Roma, halka kulankii Anfield ay 2-0 ku badisay Liverpool.

Labadaan kooxood shan jeer ayey tartamada yurub isku arkeen, Liverpool ayaa guul heshay 2-jeer, laba jeer barbaro ayey galeen, hal jeerna Roma ayaa guuleysatay.

Markii ugu dambeyay oo ya Roma ka badiso tartanka yurub dhigooda Liverpool waxey aheyd 2000-2001 – wareega afaraad ee UEFA Cup, lugta hore ayey Roma 1-0 ku adkaatay balse, lugta labaad 2-0 looga adkaaday.

COMMENTS
LINKS