“Go’aankayga kuma imaan sii iibinta Maxamed Salaax”..Mouriinho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Go’aankayga kuma imaan sii iibinta Maxamed Salaax”..Mouriinho
April 27, 2018 - Written by Reporter:

Jose Mourinho wuxuu sheegay in uusan ka dambaynin go’aankii kooxda Chelsea ee uu hore uga ahaa macallin ay isaka iibisay cayaaryahan Maxamed Salaax.

Capture

Salaax oo 25 sano jir ah ayaa kasoo tagey kooxda Stamford Bridge ee Chlelsea sannadkii 2016.

Intiii uu kusoo biiray kooxda Liverpool xaggaagii lasoo dhaafay 43 gool ayuu u dhaliyay.

Mourinho oo hadda Macallin ka ah kooxda Manchester United wuxuu sheegay in dadku ay aaminsan yihiin inuu isaga ka dambeeyay go’aankii kooxda Liverpool ay ku iibsatay Maxmed Salaax balse uusan waxbo ka ogayan.

Wuxuu intaasi ku daray “in Salaax uu yimid isagoo carruur ah, maskax ahaan iyo jir ahaanba uma diyaarsanayn layliga, bulsho iyo dhaqan ahaanba wax kasta way ku adkaayeen”

Macalin Mourinho wuxuu sido kale ka dhawaajiyay “in kooxda Chelsea ay si wada jir ah u go’aansatay inay iska iibiso Salaax qaab amaah ah balse go’aanka ah in cayaaryahan kale ay kooxda ku soo iibsato lacagtaasi anigu shaqo kuma lahayn”

Maxamed Salaax wuxuu ku biiray kooxda Chelesea oo uu macallin ka ahaa Mourinho sannadkii 2014 kaddibna uga sii gudbay kooxaha kala ah Fiorentina iyo Roma oo katirsan horyaallada Talyaaniga

Markii Salaax uu kusoo laabtay horyaalka Ingriiska, Kooxda Liverpool wuxuu 33 cayaar gudahood ku dhaliyay 31 gool taaso u horseeday inuu qaato abaal marinta sannadka ee ururka Xirfadlayaasha midowga cayaaraha.

Si kastaba, Jose Mourinho wuxuu sheegay in Salaax uu yahay qof meel sare ka gaadhay cayaaraha oo khibrad leh islamarkaana uu u bogay qaab cayaareedkiisa.

COMMENTS
LINKS