WAJAALE NEWS

Liverpool Oo Barbaro Gool La,aan Ah La Gashay Stoke City+Sawirro

Liverpool ayaa iska lumisay fursad wayn oo ay Anfield guul ugaga gaadhi karaysay kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee Stoke City oo iyada lafteedu doonaysay in ay saddexdan dhibcood isku badbaadiso. Liverpool ayaa u muuqatay mid si buuxda uga fikiraysay kulanka Roma ee lugta labaad ee afar dhamaadka Champions League.

 

Mohamed Salah ayaan qaadan kulan fiican isaga oo lumiyay fursad uu si cadaan ah ugu soo baxay goolka Stoke City halka Danny Ings gool looga diiday in uu offside ku jiray laakiin Jurgen Klopp ayaa garsoorihii kulankan dhex dhexaadinayay salaanta la dhaafay isaga oo cadho wayn ka qaaday in dhamaadkii ciyaarta kooxdiisa Rekoodhe laga diiday.

 

Exit mobile version