Real Iyo Bayern Oo U Loolamaya Finalka Champions League-ga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Iyo Bayern Oo U Loolamaya Finalka Champions League-ga
May 1, 2018 - Written by Reporter:

Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabéu ku martigelin doonta Kooxda Reer Jarmal ee Bayern Munich, ciyaartaasi oo ah lugta labaad ee nus dhammaadka horyaallada Yurub. Real Madrid ayaa lugtii hore kusoo badisay 2-1.

Kooxda uu tababaro macallin Zinedine Zidane ayaa doonaysa in markii saddexaad ee iskuxigta ay ku guulaysato koobkan.

Real-Madrid-vs-Bayern-Munich

Bayern waxaa ka maqan Arjen Robben oo baalka uga dheela, ka dib markii uu lugta ka dhaawacmay daqiiqadihii hore ee kulankii lugta koobaad.

Balse waxaa la filayaa in ay caawa u saftaan David Alaba iyo Javi Martinez oo labaduba dhaawac kasoo kabtay.

Real Madrid waxay u badan tahay inuu ka maqnaado Dani Carvajal oo baalka uga ciyaara, ka dib markii uu muruq go’ay.

Tababare Zidane oo kooxdiisa ay kaalinta saddexaad kaga jirto shaxda kala horreynta horyaalka La Liga, ayaa sheegay in shaqadiisa aanay ku xidhneyn ku guulaysashada horyaalka Champions League-ga.

 

COMMENTS
LINKS