TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
May 2, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Ibraahim Muxumed (Cali Sanyare) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 02/05/2018, magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi aqoon yahan ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba mudo dheerna qarankiisa u hibeeyey aqoontiisa iyo qaybo ka mida wakhtigiisa, isagoo ka mid ahaa waxgaradkii qaybta ka qaatay qarannimada Somaliland, shaqooyin heerarkoodu kala duwanaayeena ka soo qabtay dalka iyo dibeddaba, kuwaas oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaaradda qorshaynta qaranka ee wakhtigii xukuumaddii, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

COMMENTS
LINKS