Atletico iyo Marseille oo u gudbay final-ka Europa League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Atletico iyo Marseille oo u gudbay final-ka Europa League
May 4, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain, ayaa u gudubtay cayaarta kama dambeysta ah ee koobka Europa League kadib markii xalay ay ka adkaatay naadiga Arsenal.

 

Kooxda macallin Diego Simeone ayaa 1-0 kaga adkaatay Arsenal, lugtii labaad ee cayaarta afar dhammaadka, ayada oo goolkuna uu daqiiqaddii 47-aad ee qeybtii koowaad ee cayaarta u dhaliyey Diego Costa.

Costa-768x561

 

Atletico ayaa ku gudubtay cel celis ah 2-1, maadaama lugtii koowaad ee cayaarta oo ka dhacday garoonka Arsenal ay ku dhammaatay 1-1.

 

Atletico ayaa cayaarta final-ka waxay wajihi doontaa naadiga Marseille ee dalka Faransiiska oo iyana soo reebtay kooxda Salzburg ee dalka Austria.

 

In kasta oo Marseille xalay looga adkaaday 2-1, haddana waxay ku gudubtay cel celis ah 3-2, maadaama ay 2-0 kusoo adkaatay lugtii koowaad ee cayaarta.

 

COMMENTS
LINKS