Steven Gerrard Oo Loo Magacaabay Tababaraha Kooxda Rangers | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Steven Gerrard Oo Loo Magacaabay Tababaraha Kooxda Rangers
May 4, 2018 - Written by Reporter:

Halyaygii hore ee Koxxda Liverpool Steven Gerrard ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda reer Scotland ee Rangers, wuxuuna badal u noqonayaa Graeme Murty kaas oo kooxda si kumeel gaadh ah u hayay tan iyo markii shaqada laga ceydhiyay.

Gerrard oo 37-jir ah ayaa isaga tagay doorka tababaranimo ee da’yarta Liverpool kadib markii lala xidhiidhiyay shaqada Rangers, waxaana la filayaa inuu si weyn ula xifaaltamo macalinkiisii hore Reds Branden Rodgers oo maamula Celtic.

Gerrard wuxuu u saftay Liverpool 710 kulan isagoo kula guuleystay 10-koob muddo 19-sanadood ah oo uu kooxda joogay, sidoo kalana 114-kulan ayuu u saftay qaranka England.

Sidoo kale sadex ka mid ah lixdii tartan oo uu kala qeyb galay qaranka England isagaa kabtan ahaa oo hogaaminayay.

Wuxuu iska diiday dhawr dalab oo kaga yimid kooxaha Ingiriiska waxaana ka mid ah kooxda MK Dons.

 

untitled_collage_15

 

COMMENTS
LINKS