TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
May 4, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Ibraahim Ismaaciil Yuusuf (Dhabbuuke) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/05/2018, magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ay marxuumka walaalo ahaayeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

COMMENTS
LINKS