Damaashaadka Huddersfield Oo Dibindaabyo Ku Noqday Chelsea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Damaashaadka Huddersfield Oo Dibindaabyo Ku Noqday Chelsea
May 10, 2018 - Written by Reporter:

Huddersfield Town ayaa xaqiijisay ka sii mid ahaanshaha horyaalka Ingiriiska ka dib markii ay u halgantay in ay dhibic kala hoyato garoonka Stamford Bridge.

Arrintaas ayaase dhaawacday rajadii ay Chelsea ka qabtay in ay ka qaybqaadato koobka Horyaallada Yurub ee sannadka soo socda, natiijadani waxaa kale oo ay horseeday in kooxda Swansea City ay qarka u fuusho ka hadhidda koobka Horyaalka Ingiriiska.

_101245691_rexfeatures_9666926x

Huddersfield Town ayaa la timid difaac cajiib ah si ay ula hoyato halkii dhibic ee ay u baahnayd si aan koobkan aanay uga hadhin, si wayn ayayna ula dabaal dageen taageereyaashooda ka dib markii la yeedhiyay siidhigii ciyaartu ku dhammaanaysay.

Taageereyaasha ayaana halhays ka dhigtay “waan sii joogaynaa” ciyaartoyda ayaa iyaguna tunka ku qaatay tababare David Wagner damaashaadka awgii.

Tababare Antonio Conte ayaa si dulqaadleh u sugay damaashaadkoodii si uu u gacan qaado dhammaan ciyaartoyda Huddersfield isla markaasna ugu hambalyeeyo.

Markii ay kooxda martida ah gacmaha is qabsadeen taageerayaashooduna ay sacabeeyeen ayuu Wagner yidhi kooxdiisu waxay damaashaadka sii wadi doontaa tan iyo inta ay kaga laabanayaan magaalada Huddersfield.

“Waan baajinay duulimaadkii aan ku laaban lahayn, waxaana go’aansanay in aan bas ku laabano”. Ayuu yidhi tababarahan Jarmalka ah.

Kooxdan lagu naanayso Terriers ayaan halmar xataa tooganin goosha Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta, balse waxay si layaableh hogaanka u qabteen daqiiqaddii 50naad, ka dib markii Laurent Depoitre uu dhamaystiray ku bad ka timid Aaron Mooy.

Chelsea ayaa ku gacan sadhaysay ciyaarta balse waxay aad uga liiteen dhanka dhamaystirka.

 

COMMENTS
LINKS