Qaranimada Somaliland iyo Saluuga iyo Tabashooyinka Maamul Ee Jiraa Waa Kala Laba, Mana aha in Ay Isaga Keen Qaldamaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaranimada Somaliland iyo Saluuga iyo Tabashooyinka Maamul Ee Jiraa Waa Kala Laba, Mana aha in Ay Isaga Keen Qaldamaan!
May 12, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland waa dal ay wada leeyihiin muwaadiniinta somaliland ee ka soo jeeda somaliland dadkii deganaa lixdankii ka hor, muwaadiniinta somaliland waxa ay leeyihiin xuquuqo siman oo dhinac kasta oo nolosha ah.

Somaliland maaha dal lagu kala sareeyo isir iyo abtirsiin, mana aha dal cid gaar ah u afduuban ee waa dal muwaadin kastaa ka gaadhi Karo ilaa kursiga ugu sareeya ee qaranka laga hogaamiyo.

Waxa muhiim ah in aynu kala garano tabashooyinka gudaheena ee la isku saluugsan yahay nidaamka doorashada, hogaaminta, wax wada qaybsiga iyo kala badsashada kuraasta iyo waxii kale ee aynu somaliland ahaan isku hayno, waana qaladaad shaqsiyaad iyo kooxo sameeyeen ee maaha wax guud ahaan qaranimada loo nisbeyn karo.

 

Arimaha aan soo sheegay waxa aynu u samaysanay axsaab iyo ururo bulsheed dhaqameed iyo goleyaal oo aynu waxii gudaheena ah kaga wada hadallo isku toosino isku tilmaano inaga oo ay ina hayso lexo-jeclada waxa aynu wada leenahay kana duulaynaa taa.

 

Ceeb iyo foolxumo ka wayni ma jirto in waxii aad wada lahaydeen aad u durto ama u nacdo ama u burburiso cida gacanta ku haysa ee aanad ku qanacsanayn hogaaminteeda iyo lexojeclada waxii aad wada lahaydeen , waxaana jira shaqsiyaad reer Somaliland ah oo arimahaasi iska galeen ama isaga eekaadeen.

Waxa aan xasuustay wakhtigii uu socday shirkii Carta ee somalia dawlada loogu dhisayey ayaa anaga oo Tv ka daawanayna oo uu nala joogo jilaagii weynaa ee #Abdi_Haybe_Laambad waxa tvga nagaga soo baxay abwaano iyo fanaaniin reer Somaliland ah oo tagey shirkaa.

 

Intayadii muuq-baahiyaha wada daawanaysay mid ka mid ah ayaa si kaftan ah ugu yidhi Cabdi Haybe in aad Carta tagto ayey ahayd, mise cidiba kuumay yeedhin lacag badana waad kala iman lahayde?

 

Cabdi Haybe ayaa intuu wejigiisu isbadalay yidhi…ihi..ihi war li’idaa waa la ii yeedhay laakiin sheeko ayaan idiinka sheekaynayaa e i dhageysta bal ;

 

Wuxuu yidhi Cabdi Haybe, Xaaji gujis ilaahay ha u naxariistee ayey Unesco iyo Hayadahii barnaamijyadii haamo-dhawr iyo kuwii kale ee la midka ahaa lacagtooda bixin jirey yidhaahdeen Xaaji waxa aad sameysaa suugaan midnimada soomaaliyeed ka shaqeynaysa lacag iyo qarash wanaagsana waanu kuu qorshayne.

 

Xaajigii baa yidhi isaga oo xanaaqsan yaah ! …. oo adeer maxaad i mooday ! Hadiiba aan taada kuu raaco oo aan lacag qaato halkeen ku cunayaa waa yaabe !!!

 

Cabdi Haybe wuxuu yidhi lacala hadii aan Carta tago saw awr-kiraale kama ihi dalkaygii iyo dadkaygii somaliland, hadiiba ay noqoto hadhow in la isku biirana saw kuwaa xagooga ka noqon maayo shalay kii ay lacagta siiyeen, oo i odhan maayaan waar bal day kii barigii oo somaliland iska dhigaya.

 

Majaajilayste Cabdi Haybe lamabad muwadin waxgarad ah oo kaftankii ninku waydiiyey sheekadaa dheer kaga jawaabay aad bay noo taabatay qadiyad ahaan iyo qaran ahaan halka uu qiimaha dalkiisu la joogo ilaahay xafido e.

 

Imika sheekadaa waxa i xasuusiyey laba qolo oo kala ah dadka reer Somaliland ee somali weyn taga ama u ooman iyo shaqsiyaad kooban oo reer Somaliland ah oo kala garan waaya rabitaankooda iyo qaranimada somaliland oo ay ka soo baxdo talaabooyin wax yeelaya qaranimada iyo wada-jirka umadda reer Somaliland.

 

Markaa muwaadin ha kuu kala soocnaato qaranimada dalkaaga iyo waxyaabaha aad qoonsatay ee aad si quman oo qurux badan uga doodi lahayd una badali lahayd maalinteeda hadii ay kaa dhab tahay lexo-jeclada iyo qaranimada somaliland.

 

Wa Bilahi Tawfiiq

Ilaahaybaa mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh scw

Somaliland Allow dhawr

Qalinkii: Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS