War-saxaafadeed: Hambalyo Xuska Sannad-guurada 27aad Iyo Doorka Jaalliyadaha Somaliland Ee Wadamada Caalamka 18 may 2018 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-saxaafadeed: Hambalyo Xuska Sannad-guurada 27aad Iyo Doorka Jaalliyadaha Somaliland Ee Wadamada Caalamka 18 may 2018
May 12, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka  xuska munaasibadda Sannad-guurada 27aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida JSL 18 May 1991 awgeed ee looga debbaal-degayo dalka iyo wadamada debadda ee Qurbajoogga Somaliland ku dhaqanyahay dhammaan qaaradaha dunida 18 May 2018.

USA2

Si gaar ah, waxa aannu bogaadinaynaa jaalliyadaha Somaliland ee ka oogaya xuska sannad-guuradan magaalooyinka wadamada ay ku noolyihiin wadamada Galbeedka Europe, Woqooyiga Maraykanka, dalalka Gacanka Carabta, Woqooyiga iyo Bariga Afrika, Galbeedka iyo Koonfurta Afrika, Shiinaha iyo Ustaraaliyaba.

WDC2

Taariikhda Xuska 18 May ee sannadkan oo ku soo beegantay Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa xafladaha iyo shirarka lagu xusayo sannad-guuradan badankoodu dhacayaan 12-ka May iyo inta u dhaxaysa 12ka illaa 15-ka bishan May.

minnesota

Sida Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Xidhiidhka Gudiyada Jaalliyadaha iyo Wakiilladuba ka soo warbixinayaan, waxa looga debbaal-degayaa xuska 18 May 2018 ku dhawaad 50 caasimadood iyo magaalo oo ku yaalla 32 wadan ka midyihiin dalka UK, Germany, Finland, Sweden, Denmark, Norway, Belgium, The Netherlands, France, Italy, Switzerland, Ireland ,Turkey, Canada, USA, Ethiopia, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda, Tanzania, Egypt, South Africa, Zambia, UAE, S/Arabia, Malaysia, Bangladesh, India, China, Philippines, Australia,  iyo wadamo kale. waxa aannu aad iyo aad u bogaadinaynaa Somaliland ururada ardayda Somaliland ee waxka barta gaar ahaan dalalka Ethiopia, Sudan, Malaysia, Bangladesh, China, Turkey, India iyo Philippines ee iyagu biilasha waxbarashada loogu soo diro sannad walba ka qabta xuska 18 May dalalka ay joogaan ee shisheeye si ay ula debbaal-degaan qarankooda, una wayneeyaan maalinta qaranimada JSL. Waxa qayb ka ah xuska shirar ay Wakiillada Somaliland u jooga illaa 16 wadan u qabanayaan danjirayaal, xildhibaanno baarlamaan, iyo dhinacyo kala duwan oo muhiim ah kuwaasoo laftooda ay gudiyada jaalliyaduhu qaarkood door weyn ku leeyihiin, halka meelaha qaarkoodna la mideeyay xafladaha xuska iyo shirarka (Community Events and Receptions). Bannaanbaxyada lagu muujinayo doonista shacabka Somaliland ayaa Jaalliyadaha Somaliland iyo Wakiiillada oo wehelinaya lagu qabanayaa wadamaa qaarkood sida Canada, iyo Sweden.

Halku dhegga sannadka 18 May 2018

  Xafladaha iyo munaasibadaha kala duwan ee ka dhacaya wadamada debadda ayaa badankooda u abaabulan si waafaqsan hab-tilmaameedka Wasaaradda Arrimaha Debaddu ugu talo galo gashay inay ku dhaqmaan Gudiyada Jaalliyadaha iyo Wakiiladuba, Waxanay Wasaaraddu aad ugu dardaartay inay noqdaan barnaamijyada xusku qaar lagala soo qaybgalo muwaadiniinta Somaliland oo dadweynaha wadamada ay joogaan iyo dhinacyo kala duwan ku martiqaadaan si farriinta rabitaanka qarankani beesha caalamka u wada gaadho, isla markaana aan u kasbanno saaxiibbo daacada oo codkooda innagu kordhiya.

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa weftiyo kooban oo wasiirro, xildhibaanno, iyo xubno qaybaha bulshada metelaya u dirtay wadamada qaarkood sida UK, Sweden, Finland, Germany, Norway, Canada, USA, S/Arabia, halka ay weftiyo si madax-bannaan u baxay iyaguna wadamada qaarkood kala qaybgalayaan xafladaha iyo shirarka xuska May lagu waynaynayo.

Sidoo kale, Jaalliyadaha wadamada qaarkood ayaa uga faaiidaysanaya munaasibadan iyo xafladaha ay qabanayaan inay ku dhaqaale ugu ururiyaan ama ku dhawaaqaan mashaariic horumarineed oo dalka laga fulinayo dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha, daryeelka baahiyaha waxbarashada gaarka, adeegga biyaha, iyo waddooyinka.

Ugu dambayntii, waxa aannu ugu baaqaynnaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay calanka bilicda san ee qaranka JSL sudhaan wajahada guryahooda illaa maalinta 18 May laga gaadhayo taasoo aan ku ammaanayno muwaadiniinta Qurbajoogga ah ee ficilkan wadaniyadda leh hore ugu dhaqmi jiray xilligan oo kale. Waxa aannu ugu baaqaynnaa jaalliyadaha Somaliland ee wadamada gobollada kala duwan ee Afrika ay ka midyihiin DRC Congo, Angola, Botswana, Mozambique, Rwanda, Burundi, iyo meelaha kale ee Afrika iyo qaaradaha kalee caalamkaba tiro aad ku joogtaanba inaad is abaabushaan oo qabataan xuska 18 May 2018.

 “ISKU TASHI IYO ISKU TIIRSANAAN BUU QARAN KU TAABBA GALAA”

Xasan Axmed Yuusuf

Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

hassanafgaab@gmail.com, www.sldiaspora.org

Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland

May 12th, 2018

COMMENTS
LINKS