WAJAALE NEWS

Waa Maxay Xalka Dagaalka Ceel-afwayn?

Dagaal Wiil baa ku Dhintee, Wiil kuma Dhasho.

 

Wakhti lagu jiro ma aha wakhti dagaal, colaad iyo burburin.  Waxaa lasoo maray wax badan oo dhib ah oo aan la iloobi karin kana mid noqotay taariikhda madow ee guud ahaan dalka.

Maanta iyo qarnigan wax la aqbali karo oo caqliga saliimka ah gali kara maaaha  dagaal, dhac, boob iyo colaad. Waxaa mudan in loo soo noqdo nabadda, wada noolaashaha, walaaltinimada iyo wanaagga.

Waxaa sidoo kale muhiim ah fahamka in qeyb nolosha ka mid ah ay tahay isku dhaca iyo khilaafaadku  kaa soo kala dhex gala cid kasta oo deegaan iyo dalba wadaagta . Balse Waxaa lagu kala horumaray xallintooda iyo sida loo wajaho wixii dhacay Loogana gaadhi lahaa xal waara.

Waxaa muhiim ah in xal laga gaadho dagaalada iyo khilaafaadka soo noqnoqda ee deegaanka CEELAFWAYN iyo guud ahaan dalka iyada oo ay tahay dawladu inay ka qaadato qaybta ugu muhiimsan ee laga rabo muujisana awooda dawladnimo ee aanay baaq iyo sasabid gelin ee ay gunta soo taabato halka sartu ka qudhuntay

qaadana talabooyinka ay  kaga hortagayso iyada oo adeegsanaysa awoodeeda ciidan,

Talaabada aan isleeyahay way ugu muhiimsantahay oo noqonaysa fahamka sababta keentay dagaalka iyo khilaafka soo noqnoqday sahaydayna nafo badan oo aynaan ka maarmin Ama aan inaga go,in taasi oo sahli karta in xal waara laga gaadhi karo dagaalka beelaha walalaha ah ee inagu daba dheeraaday.

Waa in la fahmaa aadna loo dersaa sababta ka danbaysa khilaafka!!!!!!!

 

Gabagabadii Waxaa  muhiim ah in la fahmo si dheerna loo dhuuxo halka ay dhibaatada soo noqnoqanaysaa ka bilaabantay iyada oo ladeegsanayo  xalinta khilaafaadka laguna salaynayo dhaqankeena,iyo diintana suuban, in la galo dhexdhexaadin iyo gar,xal kaasi oo  u baahan tanaasul badan oo ka yimaado dhinacyada is haya.

Waxaa mudan in laga digtoonaado in xoog lagu keeno xal ama koox gaar ah lagu qasbo heshiiska, waxay keeni kartaa dhiilo, colaad  iyo dhibaato hor leh.

“Soomaalidu waxeey tidhaahdaa Aan wada hadalno wa aan heshiino”.

Waxaa muhiim ah wadahadal badan, kaasi oo keeni kara isfaham iyo in xal waara oo laga gaadho.

 

Waa bilaahi tawfiiq

 

Mohamud salah dualeh

Exit mobile version